Puntland oo cambaareysay fal uu ku kacay safiirka Soomaaliya ee Cumaan

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah waxay magaala madaxda gobolka Bari ee Boosaaso kusoo dhaweysay muwaadiniin laga soo daayey xabsiyadda dalka Carbeed ee Cumaan.

Muwaadiniinta oo tiradoodu ay gaareysay 13 oo rag ah ayaa dhameystay xukuno lagu ridday. Qaarkood oo war-fidiyeenka u waramay waxay sheegeen in muddo afar bilood ah ay ku xayirnaayeen wadankaas.

Dib-u-dhaca ku yimid in ay dalka kusoo laabtaan ayay ku eedeeyeen Cuman Cabdiweli Cali Axmed [Jaylaani], safiirka Soomaaliya ee Cumaan, oo ay sheegeen in uu "afduub u heystay kana doonayay madax-furasho".

Mas'uuliyiin isugu jira maamulka gobolka Bari iyo wasiiro oo qaabilay muwaadiniinta ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdadaas.

Gudoomiyaha gobolka Bari, Cabdisamad Abwaan, ayaa wax laga xumaado ku sifeeyay arrintaas, isagoo ku qeexay "mas'uuliya darro".

Duqa degmadda Boosaaso, Cabdisalaan Bashiir, ayaa dhankiisa si cad u balanqaadey in muwaadiniinta loo sameyn doono shaqo abuur.

Waiirka Tamarta iyo Macdanta Puntland, Axmed Maxamed Yuusuf, ayaa xusay in xukuumadda mas'uuliyad iska saari doonto sidii dhalinyaraddan ay noloshooda u noqon lahayd mid fiican "oo aan cid ku tiirsaneyn".

Qaar kamid ah muwaadiniinta xorriyadooda dib u helay oo tibaaxay in falka ay ku kacday safaaradda ay waxyeeleyneyso sharafta qaranka ayaa ku baaqay in loo gurmado Soomaalida kale ku dhibaateysan dalkaas.

"Waxaa jira qaar xukuno 25-sano ah lagu ridday iyo qaar kale oo ay u dhamaadeen balse uu afduub ahaan u haysto safiirka, waxaana codsan lahayn in loo gurmado," ayuu kamid ah dhalinyaradda yiri.

Qaar kamid ah safaaradaha Soomaaliya ee caalamka ayaa la dhaalaadhacaya dhaqaalo xumo, waxaana arrintaas ay ku qasabtay in ay lacago ka sameeyaan shaqooyinkan ay qabanayaan, taas oo sharci darro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM