Puntland oo isu diyaarineysa soo dhaweynta Ethiopian Airlines

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqdey in ay isu diyaarineysa soo dhaweynta diyaaradda Ethiopian Airlines oo 15-ka bishan July duulimaad ka bilaabeysa degaanada maamulkan.

Shirkadan oo lagu tilmaamo hooyada diyaaradaha Afrika ayaa todobaadkan shaacisay in ay Puntland ka bilaabeyso duulimaadyo joogto ah, oo isku xiri doono Garowe iyo Addis Ababa.

Xusseen Cismaan Lugatoor [Gabilay], wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, ayaa tilmaamay in tani ay bilow u tahay yoolka xukuumada Deni ee ah in garoomada maamulka ay helaan duulimaad caalami ah.

Ethiopian Airlines ayaa isbuucii waxay imaan doontaa Puntland saddex maalmood, waxayna ku sameynaysaa duulimaadkeeda magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

"Waxaan aad ugu farax-sanahay in aan bushaaradan la wadaagno dadweynaha. Waxaana ay bilow u tahay qorsheyaasha xukuumada ee ah in garoomadeena ay duulimaadyo caalami ah helaan," ayuu u sheega Putland TV.

Sidda laga soo xigtay Gabilay, diyaarado kale oo heer caalami ah sida Fly Dubai iyo kuwa kale ayaa la filayaa in ay dhowaan ka shaqo bilaaban Puntland, inkasta oo uusan waqti gaar ah cayimin.

"Munaasabad weyn baanu qaban doonan oo aan kusoo dhaweyn doono," ayuu raaciyey, isaga oo daba dhigay "saxaafada waxaanu ka codsaneynaa in ay ka qeyb-qaatan baahinta wararkan".

Puntland ayaa waxay haatan leedahay madaaro caalami ah kuwaasi oo ku kala yaala magaalooyinka Garowe, xarunta maamulka iyo Boosaaso, caasimada ganacsiga ahna magaala madaxda gobolka Bari.

Hirgelinta duulimaadyo caalami ah ayaa waxay horseedeysaa kobac ku yimaada dhaqaalaha dalka iyo dakhliga si lamid ah waxay shaqo abuur u noqoneysaa dhalinyarada gudaha wax ku baratay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM