Puntland oo mar kale fashilisay weeraro, qabateyna xubno Daacish ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa shaaciyey in ay ka hortageen weeraro ay Daacish maleegeysay kadib howlgalo ay ka fuliyeen xarunta gobolka Bari ee Boosaaso.

Intii uu howlgalku socday, ciidamadda ayaa soo qabtay saddex xubnood oo kooxda ka tirsan iyo agab ay wateen, sidda lagu sheegay qoraal, intaas ku daray in agabku isugu jiraan qaraxyo iyo suumaanta is-miidaaminta.

"Hawlgal gaar ah oo ay ciidamada PSF galabta (May 13, 2020) ka sameeyeen gudaha magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen qaraxyo kala duwan oo ay kooxda Daacish ku diyaariyeen guryo ku yaal magaalada Bosaso si ay ugu dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bosaso; Qaraxyadan ay ciidamada PSF fashiliyeen ayaa koobnaa qaraxyada dhulka la geliyo iyo suumanka qaraxa ee ay naftood-haligyaashu isku qarxiyaan," ayaa lagu soo qoray bogaga xiriirka bulshadda ee talisku ku leeyahay.

Bishaan May 9-keeda ayay ahayd markii ciidamadda ay isla Boosaaso ku fashiliyeen weeraro kuna toogteen laba xubnood isla markaana ay gacanta kusoo dhigeen "madaxii Amniyaatka Daacish ee gobolka Bari".

"Hawlgalkan ay ciidamada PSF galabta fuliyeen ayaa daba-socday hawlgalkii sagaalkii bishan ay ciidanka PSF ka sameeyeen Bosaso oo lagu diley xubin muhiim ah ka tirsanaa Daacish sidoo kalena lagu soo qabtay madaxii Amniyaatka Daacish ee gobolka Bari iyo 2 gaari oo qaraxyo lagu soo xiray," ayay raaciyeen.

Bayaanka ayaa waxaa nan lagu soo hadal-qaadin haddii ciidamadda dhankooda uu waxyeelo soo gaarey intuu howlgalku socday iyo haddii ay iska caabin sameeyeen dableyda si lamid ah lama soo bandhigin muuqaaladooda.

"Ciidamada PSF way sii wadi doonaan hawlgallada qorshaysan oo ay ku beegsanayaan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish,shacabka reer Puntland na waxaan ka codsanaynaa in ay ciidamadooda ku garab istaagaan ka hortaga cadowga ku hawllan gumaadka iyo waxyeelaynta shacabka,Haddii aad aragtid wax amniga lid ku ah ama aad ka shakidid nagala soo xiriir telefoonadan 477/388," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Laamaha ammaanka Puntland ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay dardargeliyey howlgaladda lagu sugayo nabad-gelyadda iyo kuwa gaarka ah ee ka dhanka ah kooxaha argagixisadda ah "si loosoo gabagabeeyo joogitaankooda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM