Puntland oo shaacisay mowqifkeeda go'aanada shirka DF iyo Somaliland

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Puntland ma aqbali doonto go'aanada kasoo baxa shirka dalka Jabuuti uga furmay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, sidda uu ku dhawaaqay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni oo Isniinta maanta ah ka hadlay furitaanka kalfadhiga 46aad ee baarlamaanka Puntland ayaa sababta ku sheegay in aan laga qeybgelin maadaama Somaliland kala dhaxeeya khilaaf dhuleed.

"Sidda aan horey u caddeynay Puntland waxay soo dhaweyneysaa wax kasta oo wax u dhimeynin madax-banaanida iyo xuduudaha dowladda Puntland," ayuu yiri. "Waxaan caddeyneynaa in aan marna ogolaan doonin natiijo kasoo baxda wadahadal lala galo Somaliland ee Puntland aysan qayb ka ahayn".

Wuxuu raaciyey: "Puntland waxaa kala dhaxeeya maamulka Somaliland khilaaf dhuleed taasoo u baahan in aan ka gaarno xal waara, si looga fogaado colaad jiitanka oo dhiig badan ku daato".

Dhanka kale, afhayeenka Golaha Wakiiladda Puntland oo ka hadlay hadalka shirka Jabuuti ayaa wuxuu xoojiyey hadalka kasoo yeeray Deni.

Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo Isniinta maanta ah ka hadlay furitaanka kalfadhiga 46aad ee baarlamaanka dowladda Puntland, ayaa u sheegay Beesha Caalamka in mowqifkooda shirka uu sidaas yahay.

Sababta Puntland u qaadaceyso go'aanadda shirka ayuu ka dhawaajiyey in ay tahay in aan laga qeybgelin maadaama ay saameynayaan go'aanada kasoo baxa isla markaana ay xuduud la leedahay Somaliland.

Sidoo kale, Puntland iyo Somaliland waxay isku hayaan gacan ku haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, halkaas oo dagaalo waxyeelo badan sababay ay ka dhaceen.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku eedeeyay "xadgudub ka dhan ah dastuurka" isla markaana uu "fursad siyaasadeed" ka dhex-eegayo wadahadalada masiiriga ah.

"Sidaas darteeda, waa nasiib darro ah in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya uu si cad ugu xadgudbay dastuurkii lagu doortay oo ay ahayd in uu ilaaliyo wuxuuna aqbalay in koox gooni u goosata ah ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u wada fariistaan si siman isagoo xeerinaya fursad siyaasadeedna ka dhex-raadinaya doorashooyinka February, 2021," raaciyey.

Madaxweyneyaashii ka horeeyay Farmaajo ayuu kaga mahadceliyey "in ay ilaalin jireen" midnimadda Soomaaliya ayna Puntland kaalin ka siin jireen wada-xaajoodyadda oo muhiim u ah wadajirka qaranka.

Puntland ayaa kahor inta aysan bilaaban wadahadaladda dhowr jeer codsatay in laga qeyb-geliyo wadahadaladda, balse waxaa arrintaas aanan u dhaga-nuglaan madaxda fadhisa Villa Soomaaliya ee waqtiga ka idlaanayo.

Wadahadaladda oo shalay ka furmay Jabuuti waxaa soo qaban-qaabiyey ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed; Mareykankana wuxuu ka ahaa korjoogto isla markaana uu gudoomiyey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM