Puntland oo wada qorshe lagu yareynayo kufsiga iyo xagjirnimada

Image

GAROWE, Puntland – Soomaaliya waa dalka ugu wanaagsan ee rajada leh mustaqbalka marka lala barbardhigo dalalka deriska, sababtoo ah bulshada ugu badan ee ku nool ayaa ah dhalinyaro.

Balse dhalinta ayaa wajaheysa caqabado ay ku jiraan shaqo la’aan iyo colaado daba dheeraaday taasi oo ku qasabtay in ay ku kacaan falal dambi daro sida kufsiga iyo ku biirista argagixisada.

Puntland ee qaybta ka ah Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay fulineyso talaabooyin dhalinyarada loogu weecinayo dhabahaasi, isla markaana bog cusub loogu furayo aayahooda.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaaladda Gaalkacyo ka sheegay habeenimadii Arbacada in xukuumadiisa ay diyaarisay Barnaamijyo dhowr ah oo da'yarta mustaqbalkooda lagu dhisayo.

Mudane Deni ayaa shaaciyey in qorsheyaayasha ay isugu jiraa; abuurista fursado shaqo oo gudaha ah, horumarinta mihnadda cayaaraha sida dhisida garoomo kabada cagta oo ay kusoo bandhigaan hibadooda.

"Dhalinyarada [markii] la dayacay waxaa kasoo baxay fool-xumo badan – Kufsi, maandooriye iyo xagjirnimo – Waxay halis yihiin nolashii bulshadda oo dhan, marka dowlad iyo shacab ahaan waa in la iska kaashto," ayuu raaciyey.

Mawduuca faroxumeynta dumarka si gaar ah gabdhaha aan qaan-gaarka ahayn ayaa bilooyinkii dambe aad ugu badnaa Puntland xili gal-dacwadeedkii ugu dambeeyay dil toogasho loogu xukumay saddex rag.

"Dhalinyarada in cunto la siiyo oo loo labiso kaliya maaha. Waxay rabaa in xooga ku jira ay u helaan meel ay xirfadahooda kusoo bandhigaan," ayuu hadalkiisa ku daray.

Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa ayiday go’aan dhowaan kasoo baxay Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland oo la xiriira xakameynta howladeenada Ajaaniibta ah ee dalka kusoo qulquleysa.

Dhalinyaradda ayuu ku booriyey in qabtaan shaqooyinka maxaliga yaala ee ay ka faa'ideysanayo shisheeyaha wadanka imaanaya, taasi oo uu ku xuun-xuunsaday in maamulkiisa uu isku dayo in uu xal u helo.

"Dhalinyarada waxaa ceeb ku ah in ay iska joogaan guriga hooyadood, oo markuu waynaado Mobile-da furto, si uu balwadiisa u xaqiijiyo, waana dhaqan aad u xun," ayuu daba dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM