Puntland: Taliyaha qaybta gobolka Barri oo shaqada laga joojiyey [AKHRI]

Image

BOOSAASO- Warbixin warsidaha Garowe Online ka qorey sababta mas'uuliyiinta Puntland uga hadli waayeen weeraradii kooxaha argagixsada ah la beegsadeen saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso ayaa qoraal Guddiga amniga gobolka Barri soo saarey maanata waxaa uu shaqadii kaga joojiyeen Taliyaha qayta Booliska kuwasoo ku eedeeyey howlgadasho la'aan iyo ku takri falid hanti dowladeed. Halkaan ka akhri warbixintii Garoowe 

Guddiga amniga gobolka Barri oo ka kooban Wasiirka Dekadaha Puntland Siciid Maxamad Raage,General Cali Nuur Taliyaha ciidamada Asluubta Puntland, Gudoomiyaha gobolka Barri Yusuf Maxamad Waceys, la Taliyaha Madaxweynaha Puntland dhinaca amniga Cabdijamaal Cismaan Maxamad, Gudoomiyaha degmada Boosaaso Eng.Yaasiin Mire Maxamud iyo Taliyaha xabsiga dhexe ee gobolka Barri Col. Shire Siciid Maxamad ayaa qoraalkooda ku sheegey si xal looga gaaro dhacdooyinkii 24 saac ee ugu dambeeyey islamarkaana loo ogaado sababta dhabta ah oo keentey in kooxaha argagixisada ah fuliyaan weeraro halis ah ay tahay shaqo gudasho la'aanta Taliyaha qaybta gobolka Barri Cabdixakiin Xuseen Yuusuf.

Taliyaha qaybta ayaa waxaa lagu eedeeyey in muddo Lix bilood ah uu wax wada-shaqeyn ah la laheyn maamulka gobolka, kan degmada Boosaaso iyo hay'adaha amniga ee gobolka ka howlgala guud ahaan. Cabdixakim ayaa lagu eedeyey in Gadiidka loogu talagalay gobolka Barri iyo hubkii dano isaga gaar u ah ku qabsado halka uusan wax amar ah ka qaadan madaxda ka sareysa.

Gadiidka gobolka oo wadan dowlada Soomaaliya ugu deeqey in loogu adeego shacabka Puntland ayaa Madaxweyne Gaas ku wareejiyey Taliyaha qaybta gobolka Barri isagoo u isticmaala si gaar ah.

Cabdixakiim Xuseen Yuusuf oo isku beel hoose wada-yihiin Madaxweyne Gaas ayaa sida warbxinta GO lagu baahiyey aan baqdin aan ka qabin in shaqadiisa waayo iyadoo horey dadka degaanka iyo siyaasiyiinta gobolka Barri cabasho uga gudbiyeen balse aan waxba laga qaban.

Yuusuf oo la hadlay dadka qaarkiis go'aanka guddiga kadib ayaa diidey shaqo joojinta lagu sameeyey isagoo ku faaney in shaqsiyaadkaan iyo qabaa'ilada ay kasoo jeedaan aysan ka qaadi karin xilkiisa.

Gobolka Barri gaar ahaan magaalada Boosaaso waxaa ka taagan amni xumo dabada ku haysa kooxaha aragagixisada ah oo saldhigyo ku leh degaano ku dhow xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa curyaamiyey dhamaan shaqooyinkii hay'adaha amniga Puntland isagoo dhinaca kale xilalkii muhiimka ah ee maamulka gacanta u galiyey shaqsiyaad beel ahaan is xigaan kuwasoo u ilaaliya danihiisa dhaqaale iyo siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM