​Puntland: Wasirro kasoo laabtay furimaha dagaalka oo gaaray Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Guddi Wasiirro ah oo maalmahan booqashooyin kala duwan ku marayay qaybo kamid ah gobolka Bari, ayaa saaka gaaray magaalada Bosaso xilli xalay ay u hoydeen deegaanka Gal-gala oo ay isku horfadhiyaan ciidamo katirsan Puntland iyo mallayshiyaadka kooxda Shabaab.

Booqashada wasiirradan oo tiradoodu gaarayso 8 ayaa timid maalmo uun kadib markii weerar lagu qaaday tuulada Af-urur oo fariisin u ahayd ciidanka Daraawiishta.

Ujeedka Socdaalkooda ayaa ku saabsan inay qiimeeyaan xaaladda ciidamada iyo baahiyhadooda xilli dowladdu sheegtay inay qaadayso duullaan ka dhan ah kooxdaas.

Wararka ayaa sheegay in mas'uuliyiinta oo ay sidoo kale la socdaan saraakiisha ciidamada qalabka sida ay socdaalka ku mareen dhammaan saldhigyada ciidanka iyagoo iska xog waraysanayay xaaladda amni iyo sida kooxdan looga saari karo gobolka.

Wafdigan ayaa saaka ku laabtay magaalada Bosaso, iyagoo booqanaya xeryaha ciidamada sidoo kalena la kulmaya maamulka Bari, iyagoo kawada hadli doona arrimaha nabad galyada iyo sidii gobolku u noqon lahaa mid ka xasiloon falalka Xagjiriinta.

Mas'uuliyiinta safarka iyo kormeerka ku jira waxaa kamid ah; Wasiirrada Amniga, Caafimaadka, Beeraha, Qorshaynta, Xannaanada Xoolaha, Wasiir dowlaha Dekedaha, Wasiir dowlaha Maaliyadda, Wasiir ku-xigeenka Deegaanka, taliyaha ciidanka qalabka sida Puntland iyo saraakiil kale.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo guddigaas kasoo saareen xaaladda safarkooda, xilli aysan booqashadaas ku wehelin saxaafadda marka laga reebo TV-ga dowladda.

Xubnaha ayaa waxaa magacaabay weerarkii  Af-urur Madaxweyne Gaas iyagoo ujeedkoodu yahay inay qiimeeyeen xaaladda iyo sida uu u dhacay dagaalkaas oo dhaliyay khasaaro fara badan.

Shalay ayay ahayd markii Al Shabaab baraha internet-ka ku baahisay weerarkaas oo ay ka dhex muuqanayeen gawaarida dagaalka ciidanka oo dab la qabadsiiyay xilli ay calankooda Madow ka taageen saldhigaas.

Dowladda ayaa wali shaacin tirada khasaaraha weerarkaas oo ahaa midkii ugu horeeyay noociisa ka dhaca Puntland, waxaana baraha bulshada aad loogu dhaleeceeyay xukuumadda maadama ay kala fogaayeen warkii ay saxaafadda marisay iyo bandhiga Kooxdan xiriirka la leh Al Qacida oo muddo ku dhuumaalaysanaysay buuraha Gal-gala ee gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM