​Puntland: Xubno katirsan Shabaab iyo Daacish oo lasoo bandhigay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, puntland- Maamulka gobolka Bari iyo saraakiisha ammaanka ayaa maanta magaalada Bosaso kusoo bandhigay saddex nin oo katirsanaa kooxaha Daacish iyo Al Shabaab ee ku sugan deegaanada Puntland.

Saddex nin ayaa maamulka gobolka Bari sheegeen inay kasoo laabteen fikirkii hore islamarkaana muhiimadda loosoo bandhigay tahay inay ku waano qaataan dhalinyarada kale ee lunsan.

Dhalinyarada lasoo bandhigay ayaa lagu kala magacaabaa; Axmed Aadan Cabdulaahi Aw-Cabdi oo Alshabaab dhexdooda looga yaqaanay (Shaafici) kaasoo Afar sano ah kamid ahaa mallayshiyadaas islamarkaana kasoo dagaallamay, Buuraha Calmadow, walow uu markii danbe ku biiray Kooxda Daacish ee ka go’dayAl-Shabaab.

Cabdulaahi Ibraahim ayaa isna kamid ahaa  Al-Shabaab Kahor inta uusan ka soo fakan gacantooda, wakhti laga joogo 15-cisho kahor wuxuuna ka howlgali jiray buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.

Muuse Aadan Maxamed (Gaal-dile) oo ah ninka saddexaad ayaa kamid ahaa saraakisha kooxda Al-Shabaab ee Koonfurta Somalia, waxaana la sheegay in laga qabtay garoonka diyaaradaha Bosaso maadaama sida la sheegay xogtiisa horay loo hayay.

Saddexdan dhalinyarada ah ayaa dareenkooda maanta uga waramay warbaahinta waxayna ka mahadceliyeen cafiska loo fidiyay in kastoo walaac ka muujiyeen kooxda Al Shabaab iyagoo sheegay inay u baqayaan naftooda.

Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa isna soo dhaweeyay go'aanka ay qaateen saddexdan qof, wuxuuna kuwa kale ee kooxahan ku jira ugu baaqay inay ka waantoobaan islamarkaana dowladdu cafis u fidin doonto qof kasta oo mabda'aasi si xor ah uga laabta.

Raggan ayaa muddo ku jiray gacanta dowladda, waxayna noqonaysaa markii ugu horraysay oo Puntland lagusoo bandhigo mallayshiyaad katirsan Daacish tan iyo markii ay sannadkii hore sheegeen inay joogaan Buuralayda Calmadow ee gobolka Bari.

Lama oga halka ay ku dambayn doonaan, balse waxaa xusid mudan in xabsiyada Puntland lagu hayo mallayshiyaad kala duwan oo katirsan kooxaha dowladda dagaalka kula jira kuwaasoo lagusoo qabtay howlgallo iyo dagallo mana jirto wax tallaabo ah oo laga qaaday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM