Sidee gudoomiyihii gobolka Mudug uu ku ogaadey in dil loo maleegay?

Image

GAALKACYO, Puntland – Gudoomiyihii gobolka Mudug ugu magacownaa Puntland ee ku dhintay is-miidaamintii shalay ka dhacday waqoyga Gaalkacyo ayaa lagu waramay in horey loogu wargeliyey in loo maleegay shirqool khaarijin ah.

Digniintaas oo loola wadaagay bishii April ee sanadkan ayaa ka dambeysay markii koonfurta magaaladda laga helay jaakad loo adeegsado is-qarxinta.

Warbixintaas dhanka ammaanka oo si lamid ah loo gudbiyey mas'uuliyiinta Galmudug ee Gaalkacyo ayaa ku boorisay feejignaan iyo digtoonow dheeri ah.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in la siiyey talooyin dhinaca amniga oo ay kamid tahay in ay yareeyaan dhaqdhaqaaqa iyo in aysan tagin shirarka.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa sheegatay mas'uulka weerarkii shalay oo ay ku dhinteen lix qof oo ay ku jiraan ilaalada gudoomiyaha iyo nin 64-sano jir ah oo walaalkiisa ahaa.

Qaraxaas ayaa dhacay xilli gudoomiyuhu doonayay in uu ka baxo xarunta gobolka. Gaari NOAH oo laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa ayaa loo adeegsaday.

Ma cadda hadii gaariga lagu farsameeyay gudaha magaaladda ama in lagu soo diyaariyey dibadda. Baaritaanka ay wadaan laamaha ammaanka ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan jawaabaha su'aalahaas iyo kuwa kale oo badan.

Sheekada jaakada is-qarxinta

Sidda ku xusan warbixinada dhanka amniga ee bishii April laga diiwaan-geliyey gobolka Mudug, shacab ayaa ciidamadda ku wargeliyey jaakada oo meel banaan ah taala. Ciidamadda ayaa kadib ka qaadey goobta.

Intaas waxaa wehlisa, ciidamada oo howlgal sameeyay ayaa soo qabtay ruux lagu tuhmay falkaas kaas oo kolkii dambe qirtay in uu isagu tuuray jaakadda.

La tuhunsanaha ayaa u sheegay baareyaasha in uu jaakadda ay ku dhex-jirtay jaakad kale oo nooca xagarada ah oo habeen uu si dhuumaaleysi ah kaga soo xaday guri ku yaala koonfurta Gaalkacyo.

Iyagoo raacaya tilmaamaha uu bixiyey la tuhunsanahay, ciidanka ayaa u dhacay guriga laga soo xaday jaakadda, balse waqtigaas cidna ma aysan joogin. Balse, derisku wuxuu sheegay in uu deganaa qof aysan aqoon.

Kadib dhacdadaas, laamaha ammaanka ayaa xoojiyey howlgaladda lagu sugayo nabad-gelyadda, iyagoo gacanta kusoo dhigay shaqsiyaad looga shakiyey xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida iyo qaar kale oo lagu caddeeyay.

Walaalaha ku maqan gacanta Al-Shabaab

Gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland, Axmed Muuse Nuur-yarre, ayaa noqonya qofkii saddexaad oo ka tirsan qoyskiisa oo ay galaaftay Al-Shabaab. Mid kamid ah, wuxuu u shaqeynayey Dowladda Puntland.

Walaalkiis kale oo ahaa 64-sano jir lagu magacaabayey Maxamed ayaa kamid noqdey dadkii ku naf-waayay qaraxii shalay. Daqiiqado kahor inta uusan weerarku dhicin ayay isku macsalaameeyeen afaafka hore ee xarunta gobolka.

Marxuumka kale ee u shaqeynayay dowladda ayaa xubin ka ahaa Guddiga Ammaanka gobolka Mudug ayaa qarax lagu dilay sanadkii 2017-kii.

Qudhiisa Axmed ayaa tirro saddex jeer ah horey uga badbaaday weeraro loo maleegay, sidda uu ku sheegay wareysi uu bixiyey dhowaan.

"Mar qarax bey iigu xireen gaarigeyga oo aan ka badbaaday, mar gurigeyga bey u soo dhaceen, mar kelana jidka ayay ii galeen anigoo hotel kasoo baxaya oo aan ilaalo wadan," ayuu yiri, isagoo sheegay in uusan ka baqeyn geeri.

Muddo ku dhow laba bilood gudaheeda, waa gudoomiyihii labaad oo Al-Shabaab ay ku disho Puntland. Xukuumadda Puntland waxay wacad ku martay in ay u aargudeyso mas'uuliyiinta ayna xoojineyso qorsheyaasha sugida amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM