Qaxooti kasoo cararey dagaallada Yemen oo xalay Bosaso soo gaarey

Image

April 5, 2015 (GO)- Qaybtii saddexaad ee ah muhaajiriin Soomaaliyed oo kasoo cararey dagaallada ka soconaya dalka Yemen ayaa xalay soo gaarey magaalada Bosaso.

Dadkan oo tiradoodu ahayd 32 qof dhammaantoodna kasoo jeeda deegaanada Puntland, waxay la socdeen labo doomood oo kuwa ganacsiga ah.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari iyo saraakiil ka socdey laamaha socdaalka iyo amniga ee dowladda ayaa dadkaas kusoo dhoweeyey dekedda magaalada Bosaso.

Todobaadkii hore ayey ahayd markii sidan oo kale dekedda magaalada Bosaso ay ugu soo xiratey dooni siddey ku dhowaad boqol qof oo dumar iyo carruur u badnaaa.

Puntland oo walaac ka muujisey qaxootiga soo laabanaya

Dowladda Puntland ayaa walaac ka muujisey dagaallada ka socda dalka Yemen iyo qaxootiga dalkaas kasoo cararaya ee imaanaya Puntland, maadama ay kusoo dhex dhuuman karaan dambiileyaal iyo xubno ka tirsan dagaalyahannada Al-qaacida ee fadhigoodu yahay Jaziiradda Carabta.

Af-hayeenka  madaxtooyada Puntland  Cabdullaahi Quraan-jecel ayaa sheegay in Puntland si gaar ah isha ugu hayso xaaladda Yemen iyo dadka kasoo laabanaya, islamarkaana hay'adaha ammaanka Puntland feejignaan dheeri ah qabaan.

Habeennimadii xalay waxaa idaacadda VOA la hadlay labo kamid ah maxaabiis Soomaali ah oo burcadbadeednimada lagu xukumey kuwaasoo kasoo baxsadey xabsiga Mukallah balse hadda ku sugan magaalada Bosaso.

Dalka Yemen oo ay ku nool yihiin 25milyan oo qof kana mid ah dalalka ugu saboolsan Jaziirada Carabta, wuxuu ku jirey xaalad degenaansho la'aan ah  laga soo bilaabo sanadkii 2012 markaasoo kacdoon dadweyne xukunka looga tuuray madaxweynihii hore Cali Cabdallah Saalax. 

Inta badan dalka Yemen waxaa xilligan ka arrimiya kooxda Xuuthiga oo iyadu ah koox Shiico ah taasoo la rumeysan yahay inay taageero dhaqaale iyo mid militeriba ka hesho dalka Iran, halka qaybo kale oo dalkaas ka tirsanna ay ku sugan yihiin mileeshiyaad xiriir dhow la leh Al-qaacida.

Xaaladda ammaanka ee Yemen ayaa kasii dartey markii diyaaradaha is-bahaysiga Carabtu gudaha dalkaas duqeynta ka bilaabeen, xilligaas wixii ka dambeeyey cabsi xooggan ayaa soo food saartey ajaanibta gaar ahaan Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM