Qeybaha uu ka kooban yahay heshiiska horumarinta madaarka Garowe

Image
Image

GAROAWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay munaasabad ay ku kala saxiixanayeen Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada iyo Shirkadda Frontier Service Group oo laga leeyahay dalka Shiinaha heshiis is-afgarad oo lagu horumarinaayo garoonka diyaaradaha Garoowe ee Janaraal Maxamed Abshir.

Ku-simaha Madaxweynaha ayaa waxaa kala qayb galay munaasibaddan Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, masuuliyiin ka socda Shirkadda Frontier Service Group, Isimo, siyaasiyiin, nabadoono, waxgarad, aqoonyahano iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xusseen Cismaan Lugatoor (Gibiley) iyo Madaxa Shirkadda Frontier Services Group ee Bariga Dhexe iyo Wadamada Africa Dr. Hu Ping ayaa kala saxiixday heshiiskan is-afgarad ee lagu horumarinaayo garoonka diyaaradaha Garoowe ee Janaraal Maxamed Abshir.

Karaash oo ka hadlay munaasibadda ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay ka qayb galka xafladda lagu kala saxiixday heshiiskan is af-garad ee lagu horumarindoono Garoonka diyaaradaha Garoowe.

“Waxaa farxad weyn ii ah maanta inaan kasoo qayb galo xafladdatan lagu saxeexayo heshiiska balaadhinta Garoonka diyaaradaha Garoowe, waa wax wanaagsan wakhtigaaga oo kugu sima wixii aad ku tacabtay oo horumarkiisu sii socdo, sharaf bay nootahay inaan kasoo qayb galo heerkaas ay marayso aniga iyo Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo shacabka Puntland ee qaybta ka ahaa horumarintiisa," ayuu yiri.

Wuxu ku daray: "Waxaan filaynaa Garoonku inuu noqdo garoomada diyaaradaha Bariga Africa ugu horumarsan, Shirkadda Frontier Service Group aad iyo aad baan ugu mahadcelinaynaa waxaan ku rajaweynahay inay ka dhabayndoonaan waxa ay balanqaadeen".

"Sidoo kale waxaan rajaynaynaa mashariicda kale ee shirkadaha Shiinuhu ay gacanta ku hayaan in dhakhso loo dardargeliyo," ayuu hoosta ka xariiqay madaxweyne ku xigeenka.

Luga-toor ayaa dhankiisa sharaxaad kooban ka bixiyey heshiiskan is-afgarad oo hordhaca ah, kaasi oo Garoonka diyaaradaha Garoowe ka dhigaya garoonka ugu dheer ee ugu casrisan Soomaaliya dhammaanteed, Wasiirka ayaa sheegay in garoonka shaqadiisu ay ka koobnaan doonto sadex weji.

Wejiga koowaad waxaa laga dhigi doonaa 4KM iyadoo lagu dari doono 1.6 km, waxaa la dhisidoonaa Terminal weyn oo casri ah, VIP, Terminal Cargo casri ah, qaybta dab-demiska iyo dhammaan adeegyadii garoonku u baahnaa oo casri ah.

Wasiirka ayaa sheegay in beriba ay bilaabidoonaan shaqo labada bilood ee soo socota si xidhiidh ah u socon doonta.

Dr. Hu Ping ayaa isna ú hadlayey shirkadda ayaa faahfaafin ka bixiyey heshiiskan ku qotoma balaadhinta iyo casriyaynta garoonka diyaaradaha Garoowe.

“Saxiixa Heshiiskan Is-afgarad waa bilow wanaagsan, Ujeedkeenu waa inaan kordhino faa’iidada ganacsi ee Airport-kan u leeyahay Puntland iyo Soomaaliyaba," ayuu ku sharaxay.

Ping ayaa raaciyey: "Dal aan laheyn Wadooyin waa weyn iyo Garoomo Diyaaradeed ma yeelan karo kaabayaal dhaqaale, sida horumarinta ganacsiga, u adeegida ganacsatada iyo dadweynaha labadaba".

“Taasi waa sababta aan wejiga koowaad qorshahan hormarinta iyo maalgashiga ugu bilaabeyno in garoonka Diyaaradaha ee Gen. Mohamed Abshir loo sameeyo goobtii ay adeegsan lahaayeen Diyaaradaha Xamuulka ah.

Wuxuu kusoo xiray: "Waayo kordhinta tirada Rikaabka ka dhoofaya Garoonka iyo Xamuulka la qaadayo, waxay door muhim ah ka qaadan doonaan in uu kordho dhaqaalaha Puntland iyo guud ahaan kan Gobolka oo dhan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM