Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh oo garoowe soo gaaray

Image

October 10, 2014 (GO)- Wafdi ballaaran oo Ra'iisul Wasaara Dowlada Federaalka Cabdiweli Sheekh Axmed hogaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Mas'uuliyiinta ugu sareeya Dowlada Puntland, wasiiro, xildhibaano, madax dhaqameed iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdigaas si diiran ugu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Garowe.

Wafdiga waxaa intaas kadib loo sii galbiyey dhanka madaxtooyada halkaasoo kula kulmi doonaan mas'uuliyiinta ugu sareeya dowladda gaar ahaan Madaxweyne C/weli Gaas, ku xigeenkiisa C/xakiim Camey iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Ammaanka caasimada Puntland maanta si weyn ayaa loo adkeeyey, waxaana dhamaan wadooyinka iyo xaafadaha dhexdooda ku sugan ciidamada ammaanka oo baaraya dadka iyo gaadiidka si looga feejignaado khatar kasta oo dhanka ammaanka ka iman karta.

Muddo dhowr maalmood ah ayaa lagu wadaa in Ra'iisul Wasaare Cabdiweli iyo wafdigiisu Garowe ku sugnaadaan, iyagoo inta ay halkaas joogaan la kulmi doona madaxda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. 

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM