Raadka Daacish oo ku Fidaya Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya: Warbixin QM

Image

NAIROBI- Kooxda taabacsan ururka Daacish ayaa dagaal yahanadeedu kordheen kadib markii sanadkaan tiradoodu gaartey 200 qof, sidaas waxaa lagu sheegey warbxin QM soo saartey maalmo kadib weerar cirka ah markii ugu horeysay ay la beegsadeen kooxdaan ciidamada Mareykanku.

Kororsiimada dhinaca awooda ee ururkaan ayaa soo jiidatey dadka khubarada amniga taasoo sababi karta in ISIL lagaga adkaadey dalka Siiriya iyo Ciraaq gabaad ka dhigtaan deegaanada Puntland.

" Kooxaha daacada u ah ururka ISIL Ciraaq ee Shiikh Cabdulqaadir Muumin- waxaa lagu qiyaasey... sanadkii 2016 waxaan ka badneyn Dhowr Daraasin..., ayaa si xoogan u kordhey awoodna yeeshey kuwasoo hadda ka kooban dagaalyahano gaaraya 200," sidaas waxaa yiri warbxin QM qortey. 

"Xitaa dhowr boqol oo dagaal yahan waxay khalkhal amni galin karaan gobolka oo dhan," sidaas waxaa yiri diplomaasi qaabilsan arimaha amniga. " Weerarka cirka ee dowlada Mareykanka ku qaadey kooxdaan marka loo eego jaanibka Daacish Puntland waxay ka tarjumeysaa in xaaladu Halis tahay."

Weerarkii cirka ee Jimcihii la soo dhaafey lagu qaadey Muumin waxaa uu ku guuldareystey in lagu dilo, sidaas waxaa sheegey xogta amniga. Laakiin Cabdirizaq Ciise Xuseen oo ah agaasimaha hay'ada sirdoonka PIA ayaa sheegey in duqeyntaas lagu diley 20 maleeshiyo oo ka tirsan kooxdaan, Nin Suudaani ah iyo Labo Carabta kale ah.

Dagaal yahanada Muumin kuligood waa Soomaali, sidaas waxaa lagu yiri warbxinta QM, iyadoo la rumeysnaa in kooxdaan uu la joogey nin Suudaani ah ay raadineyso dowlada Mareykanka. Kooxdaan ayaa sidoo kale xiriir la leh dalka Yemen. Lama xaqiijin karo Ninka Suudaaniga ah ee ku dhintey duqeyntaan inuu yahay kii dalka Mareynka uu raadinayey" Inta badan dagaal yahanada kooxda Puntland ee taabacsan IS waa kordheen, badankooda waxay ka yimaadeen Koonfurta Soomaaliya inyar oo ajaanibta la joogtana dalka Yemen," sidaas waxaa warsidaha Reuters u sheegey Col. Cabdiraxman Siciid oo ka tirsan ciidamada Puntland.

" Warbixinta QM ayaa lagu sheegey in dad kasoo baxsadey kooxdaan xogta ay bixiyeen ku xuseen in IS Puntland lacag heshey iyadoo dhinaca kale amarada ka qaadata ISIS Ciraaq iyo Siiriya, mid kamid Ragaan soo baxsadey ayaa arkey in Muumin iyo hogaamiyaasha kale isticmaalaan qalab Teknaloojiyada intrenet (TrueCrypt software) ee lagu wada hadlo kaasoo kooxdaan caan ku tahay. QM si madax banaan uma aysan cadeyn xogtaan.

Kooxda Muumin oo si tartiib ah u kordheysay ayaa dhaqdhaqaaqeeda kordhisay sanadkii la soo dhaafey. Iyadoo dabayaaqadii 2016, qabsatey magalada Qandala ee ka tirsan maamulka Puntland.

Sanadkaan bilowgiisa, koxdaan waxay qaadey weerarkeedii ugu horeeyey. Dagaal yahanadeedu waxay ku dileen Afar Askari Hotel ku yaala magaalada Boosaaso, xarunta ganacsiga Puntland, bishii February. Isla-bishaas, kooxdaan waxay madaxa ka gooyeen Sadex nin oo ay afduubeen.

Ururka Al-shabaab oo ah midka ugu xooga badan kooxaha sheegta islaamiyiinta ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa iyagu dhaqdhaqaaqooda u badan yahay Koonfurta Soomaaliya kuwasoo dagaalo goos goos la gala kooxdaan taabcsan Daacish ee ka jirta Woqooyiga Soomaaliya.

Xuquuqda tarjumaada xogtaan waxaa iska leh warsidaha©️Garowe Online hadaad xiganeyso xus warbaahintaan adigoo kala soo xiriiraya contact@garoweonline.com

Related Articles

Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

  • Puntland

    07-05-2024

  • 03:26AM

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM