Saamaynta Maamulka G/dhexe ku yeelan karo Federaalaynta Somalia

Image

GAROWE, 30 May,2015, FAALADA WARKA- Tan iyo intii la dhisay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed (DFS) sanadkii 2004-ka waxa jiray ismaandhaafyo siyaasadeed iyo madaxda Somalida oo isku khilaafsan nidaamka Federaalka -- dooddaas oo taagan ilaa iyo maanta.

Maamullada dalka ka dhisnaa DFS ka hor sida Dowlada Puntland (1998) iyo maamullada dhowaan dhismay sida Jubaland (2013) iyo maamulka Koonfur Galbeed (2014) waxay dhammaan ku salaysan yihiin khariidadda federaalaynta ee uu jiheeyey dastuurka kumeel gaarka ah. Shuruudaha laga rabo maamullada dalka waxaa ka mid ah in maamulka la dhisayaa ka kooban yahay isu-tagga ugu yaraan labo (2) gobol iyo ka badan oo ka mid ah gobolladi ka jiray dalka Soomaaliya burburkii 1991-kii ka hor iyo in maamulladu si xor ah ku dhismaan iyadoo dadka deegaannadu isu raacayaan sida ay isu rabaan lagana fogaado khilaaf iyo faragelin shisheeye.

Hadaba, dhismihii maamulka Jubaland wuxuu abuuray khilaafyo cusub iyo dagaallo markii dambe xal laga gaarey kadib markii uu heshiis dhexmaray DFS iyo Jubaland Aug 28, 2013. Dhanka Koonfur Galbeed, waxaa jiray khilaaf muddo socday una dhexeeyey labo kooxood oo kala taageersanaa Koonfur Galbeed oo ka kooban 6-da gobol (ay ku jiraan saddexda gobol ee Jubaland) iyo koox kale oo wadatay qorshe ah maamul Koonfur Galbeed oo ka kooban saddex gobol. 

Nov. 17, 2014 waxaa guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Shariif Xasan Sheekh Aden loo doortay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo ka kooban 3-da gobol sidaasna waxaa kusoo afjarmay khilaafkii ka jiray magaalada Baydhabo.

Maamullada Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaa lagu doortey shirar ay kasoo qayb galeen ergooyin matelayey dadka gobolladaas oo lagu qabtey magaaloyinka Kismayo iyo Baydhabo.

Maamulka cusub ee Gobollada dhexe & khilaafka Puntland

Maamulka cusub oo lo dhisayo Gobollada Dhexe shirkiisa wuxuu ka furmay magaalada Cadaado April 15, 2015, waxaana shirka si rasmi ah u furay Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh Maxamud. Go'aankii lagu qorsheeyey dhismaha maamulkan cusub waxaa lagu saxiixay magaalada Muqdisho July 30, 2014, waxaana heshiiskaas qeyb ka ahaa maamullo dhowr ah sida: Galmudug, Ximan iyo Xeeb, iyo Ururka Ahlu Sunna.

Go'aankaasi waxaa ku qornayd dhisidda maamul cusub oo loo sameenayo "Gobollada Mudug iyo Galgaduud" arrintaasna waxay abuurtay khilaaf cusub oo ka dhex dhesha DFS iyo Puntland. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamad Cali Gaas ayaa maalintii ku xigtay July 31, 2014 ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray Dowlada Federaalka wuxuuna Madaxweyne Gaas ku saleeyey go'aankaasi dareenku uu maamulka Puntland ka qabo heshiiskii maamulka Gobollada dhexe ee July 30.

Dad badan ayaa isweydiiyey sababta uu Madaxweyne Gaas shaki u galiyay dhulka ay Puntland ka taliso guud ahaan iyo gaar ahaan waqooyiga Gobolka Mudug sida uu qabo Dastuurka Puntland.

Khilaafkii ayaa cirka isu shareeray koox walbana waxay ku doodday inay garab ka haysato Dastuurka Federaalka iyo nidaamka federaalka. 

Dadka qaar waxay ku doodeen in Dastuurka Federaalka uusan ogoleyn in gobol la kala gooyo halka dad kalena ay ku doodeen in Puntland deegaanadeeda aan lasoo faragalin karin.

Dooddaasi waxay sii xoojisay is-faham-waagii ku saabsanaa federaalaynta dalka Soomaaliya, dad badan oo ka tirsan shacabka Somalidana waxay dareen ka muujiyeen khilaafka cusub ee maamulka gobollada dhexe.

October 14, 2014 Garowe waxaa heshiis ka kooban 12-qodob ku kala saxiixday Raysul wasaarihii Somalia Dr Cabdiwali Shiikh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Gaas. Heshiiskaas waxaa lagu cadeeyey in maamulka laga dhisaayo shirka Cadaado uu quseeyo kaliya "Galgaduud iyo Koonfurta Mudug" waxaana la diiday in ergo mathasha waqooyiga Mudug ay ka qeybgali karaan shirka Cadaado.

Siyaasadda gobollada dhexe

In kastoo halkaas uu ku dhamaaday khilaafkii u dhexeeyey DFS iyo Puntland, shirka Cadaado wuu sii socday iyadoo lagu adkeystay in shirka Cadaado lagu dhisayo maamulka "gobollada Mudug iyo Galgadud" waxaana xarunta maamulkaas lagu sheegay magaalada Dhuusamareeb.

May 2, 2015 Madaxweynaha Federaalka Xasan Sh. Maxamud wuxuu cadeeyey mowqifkiisa wuxuna sheegay in maamulka cusub ee G/dhexe uusan kusoo xadgudbi doonin deegaanada Puntland laakin wuxu hoosta ka xariiqay in magaca "Mudug" uu yahay mid la wadaago sidaasna ay qolo walba ("Puntland" iyo "Gobollada dhexe") isticmaali karaan magaca "Mudug".

Dalkii Somalia wuxuu ku jiraa 25-sano oo burbur ah. Hadii la dhisay Dowlad Federaal ah iyo Dastuur Federaal ah shacabku waxaa la gudboon inay taageeraan dowladnimada iyo nidaamka federaalka ee ka socda guud ahaan Somalia.

Dad badan ayaa ku xanta in mas'uliyiinta Dowlada Federaalka ay ka dambeeyeen khilaafkii iyo dagaaladii hareerey dhismaha maamulka Jubaland iyo khilaafkii ka jiray Baydhabo ee 3-da iyo 6-da gobol.

Sidoo kale dad qaarkood ayaa aaminsan in masuuliyiinta DFS ay faragelin ku wadaan shirka Cadaado iyadoo la ogsoon yahay in Madaxweyne Xasan Shiikh uu taageersan yahay saaxiibkiis C/karim Xuseen Guleed oo ah musharax u taagan Madaxweynaha maamulka cusub ee G/dhexe.

Dhanka kale musharax Axmad C/salam -- oo ah safiirka Somalia u fadhiya dalka Ethiopia -- ayaa isna ah musharax cad-cad wuxuuna dhowaan taageero siyaasadeed ka helay siyaasiyiin badan oo shir ku qabtay Muqdisho waxaana ka mid ahaa Rai'sul wasaareyaashii hore Cali Geed iyo Nuur Cadde.

Waxaan shaki ku jirin in maamul cusub loo dhisi doono gobollada dhexe laakin dadku waxay rajeynayaan in la doorto madax iyo mas'uuliyiin ka shaqeeya dowladnimada, iskaashiga, deris wanaagga iyo horumarka. 

Marka la eego sida ay hadda wax u muuqdaan, siyaasadda gobollada dhexe, maamulka cusub ee dhismaya iyo hoggaanka la filan karo waxay dhammaan ku salaysan tahay sii hurinta colaado iyo xoojinta khilaafkii beelaha Sopmalida arrintaasina waa ayaan darro horleh. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM