​Shirkadda Tawakal oo Garowe kusoo bandhigtay adeeg cusub [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Xawaaladda Tawakal ayaa xalay Magaalada Garowe caasumadda Puntland kusoo bandhigtay adeeg casri ah oo dadweynuhu isugu diri karaan lacagahooda ku jira taleefoonnada Adduunka oo idil iyagoo isticmaalaya habka TPLUS.

Munaasabadda lagu soo bandhigayey adeeggan,  waxaa ka  qayb-galay Xildhibaan, maaamulka gobalka Nugaal,  kan degmada , , Isimio, Ganacsato haween iyo marti sharaf ka socotay qaybaha kala duwan ee Bulshada.

 Masuuliyiintii ka hadashay iyo dadkii kale  ayaa si iskumida usoo dhaweeyey barnaamijkan ay soo kordhisay TAWAL, waxayna tilmaameen inuu yahya mid fududaynaya xiriirka Soomaaliya ay leedahay bulshooyinka Caalamka.

Maareeyaha Suuq gaynta Shirkadda Tawakal Eng. Cali Siciid Maxamed oo Faah faahin ka bixiyey adeega ayaa  sheegay in Shirkadu markay aragtay baahida loo qabo qorshe noocaan oo kale ah ay garowsadeen inay soo kordhiyaan TPLUS oo fududaynaya inay lacagaha dadweynuhu isu diraan.

Isagoo tilmaamay inuu yahay APP-kii ugu horeeyey ee shirkad Somaliyeed ka hirgaliso waddanka, wuxuuna xusay inuu ku xirmayo dhammaan adeegyada lacagaha la isugu diro iyo Xawaaladaha .

Maareeyaha Shirkadda Tawakal ee Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cabdi ayaa sheegay in Caawa ay u tahay Farxad, maadaama ay soo kordhiyeen adeeg ay u baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed, isagoo sii raacshay in Shirkaddu ku mash quulsan tahay siday hadba usoo kordhin lahayd Adeegyo la jaan qaadaya Technologiya-da Casriga ah oo shacabka waxtar u leh.

Maareeyaha Guud ee Shirkadda Tawakal Maxamed Cali Jaamac ayaa sheegay in Adeega TPLUS uu yahay mid si fudud kuugu sahlaya lacagta aad dirayso ama lagu soo dirayo, waxayna lacagtaadu kuu ahaanaysa mid amaano ah.

Maxamed Cali ayaa goobta kaga dhawaaqay lacago shirkaddu ugu deeqday Abaaraha iyo Dhismaha Garoonka Garowe.

Waxaa iyaguna Munaasabadda ka hadlay duqa degmada Garowe Xasan Goodir, gudoomiye ku xigeenka gobolka Nugal Qaasim Maxamed Cabdi, Xildhinbaan Dhoobe daareed iyo Shiikh Cabdiqani Qorane waxayna dhamaantood si isku mid ah usoo dhaweeyeen Adeegga Casriga ah ee Shirkadda Tawakal soo kordhisay

Ugu dambayntii shirkadda ayaa 10 qof ee ugu isticmaalka badan barnaamijkan TPLUS u ballanqaaday inay hadyo siin doonto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM