Shirwaynaha 3aad ee Warbaahinta Puntland oo Garoowe ka furmay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Shirweynaha 3aad ee warbaahinta Puntland, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, waxaana kasoo qayb galay mas'uuliyiin katirsan dowladda, xafiiska xuquuqul insaanka iyo xubno kasocda bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya iyo Puntland.

Shirkan oo socon doona saddex cisho ayaa diiradda lagu saaraya in dib u eegis lagu sameeyo howlihii MAP ee saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay qabatay, ka doodista ajandayaasha iyo qaabka loo qabanayo doorashada hogaanka sare.

Guddoomiyaha xilka ka dagaya ee MAP, Faysal Khaliif Barre, ayaa furitaanka shirka ka sheegay inay mudadii ay xafiiska joogeen ay qabteen howlo aad u tiro badan oo ay ku jirto inay kor u qaadeen xiriirka kala dhaxeeya ururrada iyo hay'adaha caalamiga ah.

Wuxuu intaas ku daray inay wareejin doonaan mashaariic waaweyn oo ay ku jirto kuwo ay bixinayso Midowga Yurub, isagoo intaas raaciyay inuusan ahayn hadda murashax u taagan inuu xilkan mar labaad uu qabto.

Qaar kamid ah madaxdii ka hadashay goobta uu ku jiro wasiir dowlaha wasaaradda Warfaafinta Puntland, waxay sheegeen inay ku faraxsanyihiin shaqada ururukan iyo hormarka dimuqraadiyadda ah ee uu ku tillaabsaday, waxayna ugu baaqeen Wariyaasha inay horay u socdaan oo ay ka shaqeeyaan hormarinta dalka.

Wasiirka Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cismaan Cuuke, oo furay shirweynaha MAP, ayaa Wariyaasha ka codsaday inay noqdaan kuwo ka ku shaqeeya dhex-dhexaadnimo inkastoo uu carrabka ku dhuftay inay jiraan khaladaad uu kamid yahay ku tumashada Af-Soomaliga ay ku tallaabsadaan Warfidiyeenku.

Ergo gaaraysa 95 saxafi oo laga soo xulay dhammaan gobollada Puntland, ayaa ka qayb galaya shirka, waxaana ay dooran doonaan hogaan cusub maalinta Sabtida ee soo socota.

Wariyaasha ayaa dooran doona, Guddoomiye, ku-xigeen, Xoghayn iyo xilal kale oo ay ku jiraa xubnaha joogtada ah ah ee MAP.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM