"Soomaali, siyaasiyiin khiyaaliga ka bixiya bey u baahan tahay"

Image

GAROWE, Puntland – Senator Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole, oo habeenimadii Khamiista ka qeybgalay Dabaal-degga 1-da August oo ku beegan aas-aaska Puntland ayaa jeediyay khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabaneysay.

Isaga oo kamid ah raggii dhidibada u taagan maamulkan, mudanaha ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa carabka ku adkeeyay in tiirarka ay ku dhisan tahay Puntland ay kamid tahay adkeynta midnimada dalka Soomaaliya.

Kahor aas-aaskii Puntland oo 21-sano kasoo wareegatay, xubnihii unkay waxay ka qeybgaleen shirarkii lagu qabtey dalka dibadiisa, kuwaasoo lagu raadinayay dowladnimada Soomaaliya kadib burburkii 1991-dii.

"Waxaan kamid ahaa dadkii ku dhawaaqay in 8 sano kadib aan la sugi karin shir marba meel loo afduubayo, Puntland maamul la yiraahdo ayaa la sameeyo oo aan Soomaaliya ka go’in sida Somaliland," ayuu yiri Faroole.

Shirkii ugu dambeeyay ee looga hadlay dowladnimadda Soomaaliya ee burburay ayaa 1997-dii ka dhacay Qaahira, caasimada Masar, wallow ay kasii horeeyeen kuwa kale. Sanad kadib, Puntland baa la aas-aasay, 1-dii August sanadkii 1998-dii.

Dhismaha Puntland oo ku saleysnaa nidaamka federaal ah ayaa hormuud u noqday in nidaamkaasi uu ku baaho gobolada waddanka lana aas-aaso maamul goboleedyo kale oo "oo haatan lagu wada qanacsan yahay".

Puntland oo xudun u ahayd in Soomaaliya ay ka baxdo ku meel gaarnimadda ayaa lagu qabtay shirarkii kuwaasi oo loo kala baxshay Garowe One iyo Garowe Two, laguna sameeyay dastuurka qabyadda ah ee hadda jira.

"Puntland iyadda kaliya isuma dhalan, waxay u dhalatay dadka Soomaaliyeed oo dhan. [Puntland] waa wax lawada leeyahay, intii ay nabada ahaydna waa loosoo wada qaxay, cid aan wax ka joogin reer koonfur ma jirto," ayuu mudane Faroole hadalkiisa raaciyay.

"Umadda Soomaaliyeed way is-rabtaa"

Inkasta oo ay tahay dhibaato ka dhalatay dagaalkii sokeeye, kala shakiga iyo colaadaha qaar ee haatan jira, haddana Senator Faroole oo hoosta ka xariiqay "in Umadda Soomaaliya ay is-rabto" ayaa rajeynaya mustaqbal wanaagsan.

"Dhinacaa Somaliland, inkasta oo ay laba maamul ay kala yihiin oo kala mowqif ah; midna Soomaaliya kamid yahay, midna 'waa ka go'nay' ay madaxdeedu ku adkeysanayaan, misna dadku wuu isku dhex-jiraa, ganacsigu wuu isku dhex-jiraa basaska waa isu socdaa Hargeysa iyo Garoowe dadka waa isku dhex-jiraa," ayuu hadalkiisa raaciyey Faroole.

Puntland iyo Somaliland oo deris ah ayaa waxaa dhextaala colaad taariikhi ah, taasi oo salka ku haysa maamulka gobolada Sool iyo Sanaag, halkaasi oo qaybo kamid ah ay kala maamulan labada dhinac, isla markaana u joogaan mas’uuliyiin.

"Khilaaf siyaasadeed ayaa ka jira Sool iyo Sanaag, laakiin dadkii ma kala soocna. Ummadda Soomaaliyeed wey is-rabtaa, waxaa loo baahan yahay siyaasiyiintii hogaamin lahayd oo gaarsiin lahayd nabad, waxaa loo baahan yahay dastuurkii ay ku dhaqmi lahayd in la sameeyo, oo la dhameystiro, waxaasi oo dhan waxay u baahan yihiin dad miisaankeeda leh oo xaqiiqda dhabta ah u guntada oo khiyaaliga ka bixiya, ma qaano goortey imaan doonto," ayuu yiri Senator-ka.

Ugu dambeyntii, Faroole wuxuu carabka ku dhuftay in mudada uu nool-yahay uu ka shaqeyn doono sidii Soomaaliya cagaheeda dib isugu taagi lahayd iyo in ay midowdo Umadda Soomaaliyeed guud ahaanteeda.

MUUQAALKA Khudbadii FAROOLE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM