Soomaaliya: Dagaalka Tukaraq iyo saameynta siyasadeed uu yeelan karo

Image

GAROWE- Puntland iyo Somaliland ayaa ku jira diyaargarowgii ugu dambeeyey dagaal la filayo in Tuulada Tukaraq uu ku dhexmaro ciidamada labada maamul kuwasoo uu ka dhaxeeyo muran dhuleedka gobolka Sool.

Ciidamada Somaliland ayaa Tuulada Tukaraq ee ka tirsan gobolka Sool dagaal gaadmo ah ku qabsadey 8 January,2017 goobtaas oo Dowlada Puntland u aheyd Bar Cashuureed iyo irida laga galo gobolkaas.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo inta uu siyaasada soo galin ka mid ahaan jirey saraakisha ururka SNM ayaa tageerey talaabada ciidamadiisa ku qabsadeen Tuulada Tukaraq isagoo ku tilmaamey iney tahay dhul ka maqan maamulkiisa oo uu dib u qabsadey.

Taalabada qabsashada degaankaan oo ay qayb ka ahaayeen siyasiyiinta gobolka Sool intooda joogta Hargeysa ayaa taageero cod ka heley Barlamanka Somaliland iyo golaha xukuumada cusub ee Madaxweyne Biixi.

Barlamanka Somaliland oo uu madax u yahay siyaasi kasoo jeeda gobolka Sool ayaa labo saac kadib ansaxiyey qabsashada ciidamada ee Tuulada Tukaraq.

Warsidaha GO ayaa fahansan in Muse Biixi diidey codsiyo uga yimid Qaramada Midoobey iyo Ethiopia isagoo u sheegey in talaabada ciidankiisa qaadey tahay mid sharci ah oo aan laga noqon karin.

Wakiilka Qaramada midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo warbixin siiyey golaha amaanka ayaa sheegey in ay jirto colaad sababi karta in labadaan maamul dagaal ku dhexmaro Tukaraq balse ka gaabsadey inuu eedeyn dusha laga saaro dhinaca bilaabey coladaan. Dalka Soomaaliya ayaa maamulada ka jira waxay ku tiirsan yihiin tageerada beesha calamka siiso dhinacyada hurumarinta arimaha bulshada, dib u dhiska hay’adahooda dowliga ah.

Dhinaca kale Somaliland ayaa weerarka Tukaraq ay ku qabsatey ku soo beegtey xilli magaalda Garoowe uu booqasho ku joogey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo.

Farmaajo inta uu ku sugnaa Puntland iyo Galmudug kama hadlin weerarka Somaliland ku qabsatey Tukaraq oo aheyd Bar cashureed  oo ay Puntland maamusho.

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa qabsashada Somaliland ee Tukaraq kadib soo saartey warsaxafadeed aysan dhinacna eeda ku saarin mas’uuliyada colaadaan.

Muuse Biixi iyo mas’uliyiinta kale ee Somaliland ayaa Dowlada Soomaaliya ku eedeeyey iney ka dambeyso dhaqdhaqaaqa ciidan ee ka socda Tukaraq iyadoo afkeeda ka ilaalisay iney toos u cambaareyso maamulka Puntland.

Doorka colaadaan ay ku leeyihiin siyaasiyiinta gobolka Sool iyo Sanaag.

Siyaasiyiinta gobolka Sool ee xilalka ka haya Somaliland oo saxafada ka hadlay ayaa qabsashada Tukaraq kadib sheegey in talaabada Somaliland ku qabsatey degaankas tahay mid ku timid rabitaanka dadka daga gobolka Sool, kuwasoo digniino iyo hanjabado u soo direy Puntland.

Wasiirka Wasaarada Gashandhiga Somaliland oo kasoo jeeda gobolka Sanaag isagoo kamid ahaa wafti uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka, Cabdiraxmaan Saylici, ayaa sheegey in Somaliland tagi doonto xuduudeeda oo ah degaan u dhexeeya Tuulada Buuro Wadal iyo Garoowe.

Gudoomiyaha Barlamanka, Siyaasi Cali Khaliif Galeyr, Wasiirka biyaha Somaliland iyo Wasiirka Waxbarshada ayaa gabi ahaan ka soo jeeda gobolka Sool kuwasoo tageero ba’an u muujiyey talaabada ciidamada Somaliland ku qabsadeen Tukaraq.

Cali Khaliif Galeyr oo horey heshiis ula galey Madaxweynihii hore ee Somaliland ‘Silaanyo’ ayaa magalada Hargeysa u joogay mudo bilooyin ah fulinta qodabadii Caynabo lagu gaarey kuwaas oo ay kamid ahaayeen in dib loo furo Dastuurka Somaliland si awood qaybsiga beelaha ka tirsan maamulkaas loo saxo.

Siyaasiyiinta goboladaan ayaa raadinaya in talabadaan awood qaybsiga inta aan la gudo galin degaanadooda inta badan hoos keenaan maamulka Somaliland.

Dhinaca Puntland siyaasiyiinta kasoo jeeda goboladaan saameyn badan kuma laha shacabka degaanadaan iyadoo talaabada lagu qabsadey Tuulada Tukaraq u arkaya mid kor u qaadi karta misaankooda siyaasadeed ay kaga mid yihiin maamulkaan taasoo sii wiiqmeysa hadii dagaalka Tukaraq lagu guuleysan waayo.

Inta badan madaxda Puntland kuwooda kaasoo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag qayb ka mid ah ayaa ka aamusey iney u jawaab celiyaan dhigooda  jooga magalada Hargeysa kuwasoo codkoodu aad u dheeraa maalmihii hore ee Tukaraq la qabsadey.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo isagu kasoo jeeda gobolka Cayn ayaa weli wax hadal ah kasoo saarin qabsashada Tukaraq iyo dareenkiisa ku aadan.

Dad badan ee la socda siyaasada labada maamul ayaa aaminsan in siyaasiyiinta goboladaan aysan wax dhib ah u arkin iney xilal ka qabtaan Puntland iyo Somaliland.

Magaalada Garoowe ayaa tan iyo inta uu xilka hayey ku sugnaa Axmad Cabdulahi Xaabsade oo xilal gaarsiisan ilaa gudoomiye Barlaman kasoo qabtey Somaliland.

Xaabsade oo dib xilal uga qabtey Puntland xiligii uu AHN Cabdulahi Yusuf Madaxweynaha ahaa ayaa waqtigii Dowlada Cadde kamid ahaa siyaasiyiintii magaalada Laascaano gacanta u galiyey Somaliland.

Waxaa jira warar sheegaya in siyaasiyiin ka soo jeeda goboladaan oo xilal ka waayey xukuumada Muuse Biixi qorsheynayaan in xildhibaano iyo tartan Madaxweyne ka sameeyaan Puntland markii la gaaro xiliga doorashada.

Dareenka shacabka gobolka Sool

Shacabka Sool iyo Sanaag qayb kamid qh oo ka daaley murankaan  siyaasadeed ayaa ka mideysan in ay ka baxaan is-qabqabsiga dhuleed ee u dhexeeya labada maamul taasoo saameyn ku yeelatey hurumarkii laga gaari lahaa dhinacyada arimaha bulshada iyo dib u dhiska kaabayaasha goboladaan.

Dadka dagan Gobolada Sool iyo Cayn oo iyagu aan nasiib u helin siyaasiyiin mideysan ayaa intii magaalada Laascaano gacanta Somaliland ku jirtey isku dayey iney sameystaan maamul ka madax banaan Puntland iyo Somaliland balse guuldareystey kuwasoo xubnihii hogaaminayey heshiisyo la galeen Garowe iyo Hargeysa.

Sida ay sheegayaan xogo rasmiya ee laga helayo dhinacyada hogaanga dhaqanka iyo dadweynaha gobolka Sool iyo Cayn ayaa iyagu raadinaya iney sameyataan maamul ka madax banaan mamaulada Somaliland iyo Puntland.

Hogaanka dhaqanka labadaan gobol oo intooda badan ku suganyihiin magaalada Garowe ayaa aaminsan in maamul ka madax banaan labada maamulka yeeshaan hadii magalada Laascaano dib gacantooda ugu soo noqoto.

Saameynta dagaalkaan ku yeelan karo Puntland iyo Somaliland.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa dagaal ku dhexmara gobolka Sool gaar ahaan Tuulada Tukaraq waxaa uu ku yeelan karaa saameyn siyasadeed, mid dhaqaale iyo amni shucuubta dagan.

Madaxweyne Muuse Biixi oo dhowaan lagu doortey doorasho muran siyasadeed ka dhex dhalisay xisbiyada Wadani iyo Kulmiye taasoo u gudubtey beelaha ugu tunka weyn awood qaybsiga Somaliland ayaa waxaa soo shaac baxay in weerarka ciidamada maamulkaan ku qabsadeen Tukaraq aysan isku raacsaneyn.

Dagaalo Beleedyo dhexmarey beelaha Habar Yoonis iyo Habar Jeclo oo labaduba ood-wadaag yihiin Dhulbahante iyo Warsangali ayaa khilaaf-koodu u gudbey xisbiyada Kulmiye iyo Wadani.

Wararka hoose ee laga helayo siyaasiyiinta iyo odey dhaqameedka beesha Habar Yoonis ayaa sheegaya iney qabaan in dagaalka ciidamada Somaliland ka galeen Tukaraq u yaalo Habar Awal iyo Habar Jeclo kuwasoo isbaheysi ka sameeyey doorashadii dhowaan dhacdey. Isbaheysigaan ayaa tageerayasha xisbiga Wadani  ugu yeeraan Jeegaan.

Dhaqalaha gobolkaan ayaa sida GO fahansan yahay ayaa ah mid aad u liita madaama xisbiga Kulmiye kharash badan ku galey maaliyadii maamulkaan doorashadii ka dhacdey Somaliland iyadoo xukumadii Madaxweynihii hore ‘Silaanyo’ deyman farabadan ku wareejiyey Muuse Biixi.

 

Dhinaca Puntland Madaxweynaha talada haya Cabdiweli Cali Gaas oo mudadii uu xilka hayey sumacdiisa aad hoos ugu ddhacdey madaama uu guuldareytey inuu heerkii ay joogtey sare uga sii qaado xaaladaha amniga, dhaqaalaha iyo in mamaulkaan gaarsiiyo nidaamka doorasho ee Hal Cod Hal qof ayaa dagaalkaan waxaa uu ku noqdey mid uusan fileyn.

Madaxweyne Gaas iyo xukuumadiisu ayaa sida warsidahan fahansan yahay waxaa uusan u  diyaarsaneyn weerarka lagu qabsadey Tukaraq iyadoo dhaqaalaha maamulkaan marayo halkii ugu xumeyd tan iyo intii dhidibada loo taagey maamulkaan. 

Gaas ayaa dhinaca kale sumacad xumada maamulkiisa la soo gudboonaatey Afartii sano uu xilka hayey, weerarka lagu qabsadey Tuulada Tukaraq u arka fursad siin karta inuu ka helo dhibco uu ku galo doorashada la filayo shacabka Puntalnd qabsadaan sanadkaan dabayaqadiisa.

Gaas oo muddo ku fakarayey in korarsiimo I helo xilkiisa madaama uusan laheyn fursad dib loogu soo doorto ayaa dadka la socda siyaasada maamulkaan aaminsan yihiin in ajendahaan weli miiska u saaran yahay.

Waxaa sidoo kale jira qodob ka ah in beelaha daga gobolka Sool oo siyaasiyiintoodu u kala qaybsan Somaliland iyo Puntland kaasoo ah   ajendayaal gaar ah kuwasoo salka ku haya in maamul gaar ah u sameystaan gobolkaan hadii ay helaan fursad dib loogu qabto magalada Laascaano.

Dastuurada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa ku qoran in goboladaan yihiin qayb kamid ah maamulkooda taasoo khilaafkaan gundhig u ah.

Doorka Dowlada Puntland ee xaalada Tukaraq 

Maamulka uu Madaxweynaha ka yahay Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo ka warqab la’aan looga qabsadey Tuulada Tukaraq ayaa diyaar garow xoogan kaga jira sidii dib ugu qabsan lahaa Bartaas Cashuureed ee ku taal gobolka Sool.

Puntland oo Somalailand Laascaano ka qabsatey 8 sano ka hor ayaa xiligaan weerarka maamulka Hargeysa ku soo qaadey Tukaraq u aragta fursad ay dib ugu qabsan karto magaaladaas iyadoo inta badan talabadaan ku xiran tahay dadka daga goboladaan sida rabitaankoodu yahay.

Maaxweyne Gaas oo inta uu xilka hayey ku guuldareystey dhamaan dhinacyada dhaqaalaha iyo ilaalinta amniga ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyey xilkiisa kaasoo ku eg dhamaadka sanadkaan. Gaas ayaa sida la rumeysan yahay aan ku farxin weerarka Somaliland ku soo qaadey Tukaraq iyadoo abaabulka socda intiisa badan ka socdo shacabka kuwasoo u arkey in talaabada Somaliland qaadey tahay gardaro qaawan oo aan geed loogu soo gaban.

Madaxweyne Gaas oo mudadii xilka hayey dayac badan ku sameeyey xogagii difaaca Puntland ayaa ku khasbanaadey inuu dib u abaabuli ciidamadii iyo saraakiishii uu albaabkiisa ka xirtey Afartii sano ee la soo dhaafey.

Sida ay rumeysan yihiin dadka la socda arimaha ciidamada gobola shacabka Puntland oo kaashanaya ciidamadooda amniga ayaa waxay awood u heleen iney iska difaacaan weeraro kaga yimid kooxaha Al Shabaab 8 sano ee lasoo dhaafey taasoo ka caawineysa maamulka Madaxweyne Gaas in diyaargarow-gaan noqdo mid deg-deg ah.

Dhinaca kale waxaa jira codad ka imaanaya qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool labada maamul kuwasoo ku baaqaya in murankaan lagu xaliyo wadahadal kuwasoo dhinaca kale dalbanaya in Somaliland dib ugu noqoto halkii ay kasoo duushey si loo baajiyey dhiig Soomaaliyeed.

Dagaal ka dhaca Tuulada Tukaraq ayaa dadka la socda arimaha gobolkaan waxay aaminsan yihiin iney wax badan ka badali doonto mustaqbalka siyasadeed ee labadaan maamul kuwasoo muddo uu ka dhexeeyey muranka dhuleedka gobolka Sool iyo siyaasiyiintooda ku kala sugan Garoowe iyo Hargeysa.

Somaliland ayaa u aragta in aqoonsiga ay ku raadineyso gooni isu taaga ku xiran tahay qabsashada gobola Sool, Cayn iyo qaybo kamid ah Sanaag halka Puntland oo ah maamul kamid ah Dowlada Federaalka ah u aaminsan tahay in ay saldhig u tahay midnimada Soomaaliya.


Qoraalkaan waxaa lagu darey Macluumaad dheeri ah tan iyo intii lagu soo daabacey warsidaha Garowe Online. 

Related Articles

Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

  • Puntland

    07-05-2024

  • 03:26AM

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM