Wafdi gaarey Garowe iyo Caleema-saarka Deni oo isha lagu wada hayo

Image

GAROWE, Puntland - Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan Gollahaan ayaa gaarey magaalada Garowe ee xarunta rasmiga ah ee dowladda Puntland, maanta oo Khamiis ah.

Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo Daareed] ayaa kusoo dhaweeyay wafdiga Cabdi Xaashi madaarka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimad goboleedka Nugaal.

Wafdiga uu horkacayo Cabdi Xaashi oo ay qayb ka yihiin Senator-o ka tirsan Aqalka Senate-ka ee wadanka ayaa qayb ka ah martida lagu casuumay caleema saarka Madaxwayneha DPL, Saciid Cabdullaahi Deni.

Maalinta Sabtida ah ee todobaadka dambe - 26-ka bishaan Janaayo 2019 - ayaa loo mudeeyay inay qabsoonto caleema-saarka hogaamiyihii 5aad ee Puntland, kaasoo la doortay 8-dii bishaan kadib doorasho xor iyo calaal ah.

Amaanka ayaa aad loo sugayaa iyadda oo ciidamada difaaca PL ay bilaabeen howlgalo lagu sugayo nabad-gelyada iyo madaxda kala duwan ee kasoo muuqan doono xaflada oo ay socoto qaban-qaabadeeda.

Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo mas'uuliyiin kale oo ay ku jiraan xubno ka socda Beesha Caalamka ayaa si lamid ah la rajaynayaa inay goobjoog ka noqdaan munaasabada taariikhiga ah.

Madashaan oo kulmi doonta siyaasiyiinta ugu saameynta badan dalka ayaa indhaha lagu wadahayaa khudbadaha ay halkaasi ka jeedin doonan, oo la sheegayo inay ubadnaan doonan kuwa ay ku dheehan tahay kaftan siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM