WARBIXIN: Wasiiradii Haweenka Puntland sidee ku waydey xilka golaha Wasiirada

Image

GAROWE, Puntland- Kadib markii golaha Barlamanka Puntland kalsoonida kala kalsoonidii kala noqdeen golihii wasiirada ee Puntland ayaa Madaxweyne Gaas waxaa muddo 21 Cisho dib u soo dhisey xukuumad kale iyadoo isbadalku uu saameeyey Sadex Wasiir ay kamid tahay Wasiirada Haweenka Anissa Haji Muumin.

Hadaba Warsidaha Garowe Online oo baaris ku sameeyey sababta Wasiiradii Haweenka Puntland, oo lagu tiranyey iney kamid aheyd xubnaha golaha ugu aqoonta fiican Halka dhinaca kale lagu amaaney doorka ay ka qaadatey adeega bulshada,  ayaa ogaadey in sababtu aheyd in  beesha ay kasoo jeedo culeys siyasadeed saartey madaxwyene Gaas.

Madaxweynaha Puntland oo Anissa Xaaji Muumin ku soo darey golihiisa wasiirada markii uu xilka qabsadey 2014  ayaa beesha ay kasoo jeedo waxey diidmo xoogan ka keentey in xilkaan loo magacaabo qof dumar ah iyadoo mudadiii Wasarada Hawenka madaxda ka aheyd uusan wanaagsaneyn xiriirka u dhexeeya xildhibaanada iyo hogaanka dhaqanka beesha Suwaakhroon Majeerteen.

"Dowladihii Puntland isaga dambeeyey wixii ka horeeyey 2014 waligood xilka Wasaarada Haweenka ma aysan galin jirin Hab qaybsiga qabiilka madaama odey beleedyadu qofka dumarka ogoleyn in wax loogu qaybsho balse Madaxweyne Gaas ayaa noqdey madaxweynihii ugu horeeyey ee bilaaba arinkaas taasoo markii dambe meesha ka saartey Wasiiradii ugu kartida badneyd tan iyo intii la dhisey Wasaarada Haweenka Puntland" sidaas waxaa GO u sheegey xogogaal ka war-haya taariikhda siyasadeed ee Puntland.

Habkee loo marey in Wasiirada Haweenka laga saaro golaha wasiirada?  

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in saacadihii ugu dambeeyey inta aan lagu dhawaaqin golaha wasiirada Puntland, Wasiirada Haweenka balan qaad ka haysatey Madaxweyne Gaas in xukumadiisa kasoo dhex muuqaneyso.

Wararka ayaa sheegaya in goor hore Wasiirada Haweenka Puntland markii ay aragtey culeyska beesheedu saartey Madaxweyne Gaas u soo bandhigtey iney tanaasushey balse arinkaas waxaa diidey sida GO fahansan yahay madaxa ugu sareeya Puntland isagoo u sheegey in marna uusan aqbaleyn in golaha ka baxdo.

Dhinaca kale beesha ay ka dhalatey Wasiirada Haweenka ayaa Madaxweyne Gaas u gaysey Wasiirka iminka loo magacaabey wasarada Dastuurka Puntland ninka la yirahado Cabdifatax Caynab.

Warsidaha GO ayaa ogaadey in Cabdifatax Caynab magalaada Garowe yimid maalmo kadib markii Barlamanka Puntland kalsoonida kala noqdey golaha wasiirada balse dib u noqdey magalaada Muqdishu , sababta ayaa waxa lagu sheegey in Madaxweyne Gaas diidmo ka muujiyey in Wasiirada Haweenka badalayo.

Wasiirka cusub ee Dastuurka Puntland ayaa sida ka muuqata bartiisa Facebook waxaa uu ka shaqeyn jirey wasarada arimaha dibada xafiiskeda Muqdishu isagoo waxbarashada ugu qoran tahay bartiisa bulshada in Jaamacada bariga Afrika iyo dalka Malesia wax kasoo bartey.

Wararka aya sheegaya in Madaxweynaha Puntland iyo xubnaha ku wareegsan mudadii lagu jirey qorista liiska wasiirada culeysyo kala duwan uga imaanayeen beesha ay kasoo jeedo wasiirada Haweenka. Culeysyka ugu muhiimsan ayaa sida warsidaha GO ogaadey waxaa uu ka yimid Wasiir ku xigeenka amniga dowlada Federaalka islamarkaana ah xildhibaan ka tirsan aqalka Barlamanka Federaalka Cabdi-Nasir Siciid Muse.

Cabdi-Nasir Siciid Muse ayaa wararku sheegayaan in uu taleefan kula hadlay Agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland u sheegey in hadii Madaxweyne Gaas uusan Badalin Aniisa Xaaji Muumin beeshisu noqoneyso  mucarad rasmiya tageerana ka heli doonto siyaasiyiinta uu kamid yahay.

Xogaha Garowe online helayo ayaa sheegaya in Caynab oo magalaada Muqdishu ku sugan ka war-heley in xilkaan loo magacaabi doono uuna saluug ka muujiyey balse sida GO fahansan yahay kulan uu la qaatey wasiirka Dastuurka Federaalka Cabdiraxman Xoosh Jibriil ku dhiiri galiyey inuu qaato xilka loo magacaabey madaama fursado badan ogahay.

Xoosh ayaa u sheegey sida ilo ku dhow u sheegeen GO in hadii sida la rabo wasiirku u shaqeeyo Puntland kaliya diyaar u tahay lacag gaareysa 30 Milyan dollar taasoo wax lagaga qabanayo qorshaha wasarada Dastuurka DF ka leedahay dib u eegista Dastuurka KMG ah.

Sida wararku sheegayaan Caynab ayaa markii dambe beeshiisa ku qanciyey iney aqbalaan in wasarada Dastuurka qayb ahaanta loo siiyey qaataan madaama mashaariic muhiim ah ku soo jirto dhuumaha lacagaha lagu bixiyo.

Wasiiradii Haweenka Puntland ee xilka laga qaadey ayaa xafladii xil wareejinta ee ka dhacdey magalaada Garowe 13/08/2017 waxay eedeyn xoog leh u jeedisay xildhibaanada beesheeda kaga jira aqalka Barlamanka iyo odayasha dhaqanka iyadoo sheegtey in tan iyo intii la magacaabey diidanaayeen islamarkana aysan ogoleyn in qof Dumar ah uu matalo.Halkaan ka DAAWO


Warsidaha GO ayaa iska leh xuquuda warkaan hadad rabto inaad xigato xus warsidahaan adigoo kala soo xiriiraya contact@garoweonline.com 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM