​Wasiir Qarjab oo ka hadlay Saraakiil ku dooday in Shaqadii lagala wareegay [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Wasiirka Amniga Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan ammaanka guud ee Puntland iyo warar sheegaya in laamaha nabad  galyada qaybtood lagala wareegay shaqadooda.

Cabdi Xirsi oo caawa waraysi gaar ah siinayay Radio  Garowe, ayaa tilmaamay in amniga guud ee Puntland uu yahay mid aad u wanaagsan marka laga yimaado dhacdooyin yar yar oo maalmahan ka dhacay deegaanada Puntland, isagoo xusay in shir shalay laamaha ammaanku ku yeesheen Garowe kaga duudeen sidii howlahaas xal loogu heli lahaa.

Wuxuu sheegay inay si joogto ah u howl gali doonaan dhammaan hay’adaha ku taxaluqa xasiloonida dalka,  isagoo xusay in ciddii gacanta lagu dhigo baaritaan deg deg ah lagu samayn doono, halka kuwa looga shakisanyahay Argagixisada loo gudbin doono xabsiyada waaweyn si kiiskoodu u helo baaritaan dhab ah.

War kasoo baxay saraakiisha Booliiska gobolka oo ay kaga cabanayeen in shaqadooda lagala wareegay ayaa wax laga weydiiyay, wuxuuna carrabka ku dhuftay inaysan jirin cid shaqadii laga qaaday, balse kuwii shaqayn waaya howshooda aysan bannaanaan doonin.

“Cid shaqadii lagala wareegay ma jirto, balse shaqada waa la qabanayaa iyagana waa lagula xisaabtamayaa, maaha qof shaqadiisa qaban waayay inuu carqaladeedo kuwa shaqaynaya,” Ayuu yiri Qarjab.

Wasiirka Amniga Puntland, ayaa soo hadal qaaday dhibaato saamaysan Lacagta shiling Somaliga oo ka taagan gobollada dhexe kadib markii waraaqo ay soo saareen Al shabaab ku joojiyeen in lacagaha ka yimaada Puntland lagu dhex isticmaalo goobaha ay maamulaan.

Cabdi Xirsi ayaa cadeeyay in arrintaas aysan u joojin doonin Amar ay argagixisadu soo saartayn saamayn u gaysan doonin deegaanadooda.

Howlgalka kasocda Buuraha Calmadow ayaa wax laga weydiiyay, wuxuuna sheegay inuu yahay mid guulaystay oo ciidamadu sii wadi doonaan, ilaa ay ka cirib tiraan kooxda Al Shabaab.

Waraysigan ayaa kusoo beegmay xilli caasumadda Puntland ee Garowe muddooyinkii dambe ay ka dhacayeen falal amni darro oo isugu jira Dilal iyo furashada Mobilada, taasoo dadweynuhu ka muujiyeen cabasho xooggan xilli maanta ay ka qayb galeen Barnaamij Maalinle ah oo ay qabato warbaahinta Radio Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM