Wasiiradii hore ee Haweenka Puntland oo digniin ka bixisay Xildhibaanada la soo xulli doono

Image

GAROWE, Puntland- Anisa Hajimumin Wasiirkii hore ee Haweenka Puntland "Waxaa dad badan is weydiinayaan sababta aanan ugu jirin Wasiirada cusub, Walaalayaal sababtu waa hal qodob oo ah meeshii la iga rabay in aan  qabiilkayga u shaqeeyo, ayaan u shaqeeyay dhamaan dadweynaha reer Puntland.

Meshii la iga rabay inaan Xildhibaanada Beesha iyo Isinkayga qanciyo ayaan shacabkii aan u dhaartay qanciyey. Hadii Wasiir walba uu beeshiisa u shaqeeyo, sidee loo helaya Puntland-ta aan ku hamineyno?

Hadii Xildhibaanku dabagalo Wasiirka shaqeynaay isagoo tiisa eegaya asna uu dalka waxba kusoo kordhineyn,see metelaad ugu noqonaya shacabka iyo deegaamada ay kasoo jeedaan oo ay ka jirto nolol aad iyo aad u xun!

Waxaan idiin sheegaya qofka markuu kitaab maro , ma'ahan inuu illoowo kitaabka iyo dhaartii uu maray ee uu xasuusto xilka uu hayo, waayo xilkan waa magac wuuna baa ba'aa, Laakiin Kitaabka aad martay waa axdi iyo ballan gaar ah oo aad illaahay la gelayso. Kan bani'aadanka aad la gelayso waa qiimeynaysaa , kan illaahay aad la gelaysona ma qiimeyn kartid taasna waa mid adiga kugu soo noqonaysa!

Maantana Puntland waxaa ka jira waxay tahay Xildhibaano iyo Isimo wasiiradii iyo dadkii dalka u shaqeynayey ee daacada ahaa kula dagaalamaya ugana dabo shaqeynaya, in ay ka dhiidhiyaan keliya si ay musuq maasuq ugu dhaqmaan, aysana ugu shaqeyn sidii daacada aheyd, ugana dhabeeyaan Axdigii ay Illaahay la galeen.

Reer Puntlandow hada kahorna waa idin iri qabiil ha iigu hiilinina shaqadeyda iigu hiiliya, kartidaydana iigu hiiliya, Kitaabka markaan marayey cidna shaqada ugama heybaysaneeyn, walaa Isin walaa xildhibaan, ee waxaan uga heybaysanayey Illaahay dartiis.

Reer Puntland idinkay idinku xirantahay qof Axdiga illaahay rumeeya inuu idiin shaqeeyo oo idiin yimaado, ama gabar ha ahaado ama wiil ha ahaado.

Idinkay idinku xirantahay inaad heshaan Isin danihiina ka talinaya , idinkay idinku xirantahay inaad heshaan Xildhibaano danihiina ka talinaya, waayo xildhibaanka ku dagaalamaya Wasiir aniga oo kale ah inaan shaqeeyo waa xildhibaan doonaya jeebkiisa waxa ku dhacaaya.

Xildhibaanada noocaas ahna, wadankana uma shaqeyn karaan sharafna uma soo hoynkaraan Puntland, sababto ah Puntland waa dad isku xiran , waa dad usoo dhabar jabay dantooda, waxayna istaahilaan in lagu qiimeeyo wanaagooda, waxay istaahilaan in daacadnimadooda loogu shaqeeyo, waxayna istaahilaan in aqoon iyo karti lagu soo kordhiyo laguna dhiirigeliyo in howshii ay ummada u wadeen ay hore u wadaan, ee maahan ummada u shaqeynaysa intii dhabarka laga jebiyo in la hor istaago horumarkii ummada gaari lahayd

Waxaan kusoo geba gebeynaya isku duubnaada saa shalay ii garab taagneydeen fadlan wasaarada Haweenka u garab istaaga, Fadlan shaqadii ka dhabeeya, Fadlan ha noqonina dadkii kufay ee kici waayey, ee inta kacdaan is garab qabsada oo hore u socda"

#Jamac deprani 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM