Wasiirro PL ka tirsan oo ka baaqdey shir, maxay tahay sababtu?

Image

May 23, 2015 (GO)- Qaar kamid ah wasiirrada xukuumadda Puntland oo qorshuhu ahaa inay ka qayb galaan shir lagu qiimeeyo barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG oo lixdii biloodba mar lagu qabto magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, ayaa ka cudur daartey inay shirkaas ka qayb galaan.

Warar hordhac ah oo Garowe Online heshay ayaa tilmaamaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Maxamed Xirsi, Wasiirka Haweenka Aniso Cabdiqaadir Muumin iyo Wasiirka Maaliyadda Shire Xaaji Faarax ka cudur daarteen ka qayb galka kulankaas.

Wararka Garowe Online helayso aya intaas ku daraya in sababta wasiirradu go'aankaas u qaateen tahay walaac ay ka qabaan isku-shaandheyn dhowaan Madaxweyne Cabdiweli Gaas ku sameyn doono golihiisa wasiirrada.

Isku-shaandheynta oo ah mid bilihii u dambeeyey la hadla hayey, waxaa lagu wadaa inay saameyso inta badan xubnaha golaha wasiirrada kuwaasoo qaarkood laysku bedeli doono qaar kalena ay suurogal tahay inay xilalkooda waayaan.

Shirka Addis Ababa waxaa ka qayb gelaya guddoomiyeyaasha todoba degmo ee nasiibka u yeeshay barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG, barnaamijkaas oo dhaqaalihiisa shan hay'adood oo caalami ahi bixiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM