Wasiirro PL ka tirsan oo ka baaqdey shir, maxay tahay sababtu?

Image

May 23, 2015 (GO)- Qaar kamid ah wasiirrada xukuumadda Puntland oo qorshuhu ahaa inay ka qayb galaan shir lagu qiimeeyo barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG oo lixdii biloodba mar lagu qabto magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, ayaa ka cudur daartey inay shirkaas ka qayb galaan.

Warar hordhac ah oo Garowe Online heshay ayaa tilmaamaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Maxamed Xirsi, Wasiirka Haweenka Aniso Cabdiqaadir Muumin iyo Wasiirka Maaliyadda Shire Xaaji Faarax ka cudur daarteen ka qayb galka kulankaas.

Wararka Garowe Online helayso aya intaas ku daraya in sababta wasiirradu go'aankaas u qaateen tahay walaac ay ka qabaan isku-shaandheyn dhowaan Madaxweyne Cabdiweli Gaas ku sameyn doono golihiisa wasiirrada.

Isku-shaandheynta oo ah mid bilihii u dambeeyey la hadla hayey, waxaa lagu wadaa inay saameyso inta badan xubnaha golaha wasiirrada kuwaasoo qaarkood laysku bedeli doono qaar kalena ay suurogal tahay inay xilalkooda waayaan.

Shirka Addis Ababa waxaa ka qayb gelaya guddoomiyeyaasha todoba degmo ee nasiibka u yeeshay barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG, barnaamijkaas oo dhaqaalihiisa shan hay'adood oo caalami ahi bixiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM