Xeerka Isgaarsiinta iyo Khidmadaha Puntland oo la meelmariyey

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Maalintii 3-aad ayay Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL qodob-qodob uga doodeen Xeerka Isgaarsiinta iyo Khidmadaha Puntland , iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku ogolaadeen 36 Mudane, halka 1 mudane diiday, 1 mudanana ka aamusay.

Lifaaqa Xeerka Isgaarsiinta ayaa si faah-faahsan uga hadlay Khidmadaha ay bixinayaan Isgaarsiinta, Boostada, Madbacadaha, Wargeysyada, Warbaahinta madax-banaan, Telefishinada iyo adeegyadda xiriirka ee ka hawl-gala Puntland.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland oo ka koobnaa 38 Qodob ayaa lagu kordhiyey Qodobo muhiim ah oo ka hadlaya Iska hor-imaadka danaha isdiidan, shuruucda codsiga Ruqsada, Ganaax iyo Dhaqan-gal waxa uuna bedeli doona xeer sharci Lr. 15 ee 17-12-2007 kuna saabsanaa Isgaarsiinta iyo Khidmadaha.

Baarlamaanka Puntland

Related Articles

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM

Puntland Oo Ciidamo Cusub U Daabushay Buuraha Cal-Miskaad

Hawlgalkan, oo markii hore loo qorsheeyay in lagu soo afjaro bisha December ee 2025, ayaa galay marxaladdiisii ugu dambeysay.

  • Puntland

    08-12-2025

  • 11:10AM