​Xildhibaan hore oo Musuq-maasuq ku eedeeyay Gaas iyo Xasan Sheekh [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Maxamud Maxamed Maxamud oo Somalidu u garan ogtahay Kulalihi, ayaa ku dhawaaqay inuu isaga baxay codaynta doorashada Beeshaa Muuse Saleebaan oo kamid ahaa raggii lagusoo daray liiska murashaxiinta u taagan Kursiga kamid ah kuwa Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Somalia.

Kulalihi oo loogu yeeray inuu jeediyo khudbadiisa doorasho, ayaa mar qura ka hadlay arrimo xasaasi ah kuwaasi oo ka dhan ah Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo kan Puntland, Cabdiwali Gaas, kuwaasoo ku dhaliilay inay dalka faraha u galiyeen musuq-maasuq iyo cadaalad-darro.

Wuxuu sheegay in Gaas iyo Xasan ku hishiiyeen inaan lagusoo darin Aqalka hoose iyagoo adeegsanaya Laaluush, sida uu hadalka u dhigay.

Ninkan in kabadan 10 sano, soo ahaa Mudane katirsan, Baarlamaankaa Federaalka Somalia, ayaa shacabka Somaliyeed ugu baaqay in labadaas mas'uul wax dan ah u hayn bulshadan la daalaa dhacaysa colaadaha iyo Abaarta.

Dagaalka Galkacyo, ayuu xusay mid ay ka dambeeyaan madaxda dalka joogta, isagoo ku sifeeyay mid laga leeyahay dano siyaasadeed iyo in shacabka lagu jaah-wareeriyo.

Mar uu si hoose uga hadlay arrimaha Puntland, wuxuu Madaxweyne Gaas ku dhaliilay daabacaadda Lagac Shilling Somali faalso ah oo goobta kusoo bandhigay, taasoo xusay in lagu dhaawacay hantidii qoysaska Somaliyeed ee danyarta ah.

Wuxuu sidoo kale xukuumadda Puntland, ku dhaliilay inaysan wax ka qaban arrimaha mushaharka isagoo xusay in ciidamada difaaca muddo dheer aysan helin wax xuquuq ah.

Hadalkan ayaa yimid, xilli dhawaan beesha Caalamka qoraal ay soo saartay ku sheegtay in musuq-maasuq baahsan uu hareeyay doorashooyinka Aqalka hoose ee kasocda dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM