Xilliga la dooranayo afhayeenka cusub ee Golaha Wakiilada Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu xilka ka qaadis ku sameeyay afhayeenkii Golaha Wakiiladda, Cabdixakiim Maxamed Axmed [Dhooba Daareed].

Ku simaha gudoomiyaha ahna ku xigeenka koowaad, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, oo natiijada ku dhawaaqay ayaa shaaca ka qaadey in 49 mudane ay "Haa" u coddeysay; 4-na ka aamustay.

Cismaan ayaa tilmaamay in fadhiga ay soo xaadirtay 53 Xildhibaan, isla markaana sidaas ay "ansax" ku tahay xil ka xayuubinta Dhooba Daareed, oo xafiiska joogay tan iyo 4-tii Janaayo ee 2019-ka.

Dhinaca kale, Cismaan ayaa wuxuu ku dhawaaqay Guddi doorasho oo ka kooban todoba xubnood, kuwaas oo isku daba ridi doona doorashadda gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiiladda Puntland.

Coddeynta oo aad isha loogu hayo ayaa waxay qabsoomi doontaa 14-ka bishaan November, waxaana murashaxiinta ay fursad u haystaan inay isa soo diiwaan-geliyaan kahor maalinta coddeynta.

Guddiga ayaa lagu wadaa in ay soo bandhigaan habraaca saxda ah iyo shuruudaha looga baahan yahay murashaxiinta isu soo taagi doonto in ay qabtaan jagada afhayeenka.

Dhooba Daareed ayaa wuxuu horey uga dhawaajiyey in uu u hogaan-sami doono go'aan walba oo kasoo baxa baarlamaanka oo uu sheegay in uu xaq u leeyahay in ay doortaan cidda hogaamineysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee u dhacay howlgalkii ciidanka Mareykanka ee Baalade – Gobolka Bari?

Sidee u dhacay howlgalkii ciidanka Mareykanka ee Baalade – Gobolka Bari?…

  • Puntland

    30-11-2025

  • 04:15AM

Wasiir Dirir Oo Ku Eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay wadashaqeyn kala dhaxeyso Al-Shabaab

Dowladda federaalka Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeymaha cusub ee Wasiirka warfaafinta Puntland.

  • Puntland

    25-11-2025

  • 12:52PM