Xukuumada Madaxweyne Gaas oo digniin u dirtey odey dhaqameedka Puntland [AKHRI]

Image

GAROWE, Puntland- Kulan golaha xukuumada ee madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas yeeshay maalintii shaley 29 Sept, 2016 ayaa waxaa kasoo baxay warsaxafdeed digniin loogu direy odey dhaqameedka Puntland kuwasoo la faray in  xubnaha ay u soo xulayaan aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia noqdaan kuwa masiirka dadka lagu aamini karo.

Kulankaan oo uu shir gudoominayey madaxweynaha Puntland ayaa qoraal kasoo baxay gabagabadiisa lagu sheegey in odey dhaqamedku soo xulin dad lagu tilmaamey Iney shacabka gobolkaan lugooyo ku hayeen sanadihii lasoo dhaafey

Hadalka kasoo baxay golaha wasiirada Puntland maalintii shaley ayaa imaanaya  kadib markii warsidaha Garowe Online  shaaciyey warbiixin Halka ka akhri ka hadlaysa in madaxweynaha Puntland uu dhowaan magacaabey guddi faragalin ku sameeya qaabka soo xulista xildhibanada Puntland uga qayb galaya Barlamanada Somalia we soo socda kuwasoo fulinaya dano siyasadeed oo qarsoon.

Magaalada Garowe ayaa waxaa ku sugan dad farabadan oo raadinaya iney xubno ka noqdaan aqalka hoose  iyo aqalka sare ee Barlamanka Somalia kuwasoo ay kamid yihiin xildhibanada barlamankii hore ee Somalia kasoo lasoo doortey sanadkii 2012.

Xildhibaanada Barlamanka Federaalka hore ee Somalia ayaa soo xulistooda sanadkii 2012 waxaa gacan weyn ku lahaa madaxweynaha Puntland oo xiligaas Ra'isal wasaare ka ahaa dowladii KMG aheyd ee Shiikh Shariif.

Mudane Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa xiligaas dowladii uu hogaamiyaha ka ahaa Cabdiraxman Farole kaga horyimid in xildhibanada Puntland u matalaya Barlamanka Somalia noqdaan kuwa qaadi kara  mas'uuliyada loo igmadey.

Mundane Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo markaas adeegsanaya [2012]  awooda xafiiska Ra'isal wasaarha Somalia ayaa kala qaybiyey Issimada Puntland oo markaas kamid ahaa 135 odey dhaqameed oo Muqdishu loogu yeerey  kuwsoo aheyd in dib ugu soo noqdaan degaanadooda xulaana xildhibaanada Barlamanka Somalia.

Dhinaca kale waraxafadeedka golaha wasiirada Puntland ayaa ku soo beegmaya xilli QM walaac ka muujisay in doorashada Somalia musuqmaasuq lugaha la gasho.

Doorashada Somalia ayaa dib loo dhigey mar dambe iyadoo guddiga qaabilsan arimahaan dhowaan sheegeen in bisha Nov. 30 noqon doonto maalinta ugu dambeysa ee   Codka loo qaado qofka noqonaya madaxwynaha Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM