​10 qof oo ku geeriyooday baabuur ay jiireen ciidamada AMISOM

Image

MUQDISHU, Somalia- Kolonyo kamid ah gaadiidka ciidamada AMISOM oo galinkii dambe ee maanta ka baxayay magaalada Muqdishu ayaa dusha ka maray baabuur ay saarnaayeen dad shacab ah duleedka caasumadda Somalia.

Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa geeriyootay 15 kale waxaa soo gaaray dhaawacyo qaybtood halis yihiin iyadoo iminka lagu dabiibayo goobo caafimaad oo ku yaalla Xamar.

Goob joogayaal ku sugnaa halka shilku ka dhacay ayaa GO, u sheegay in gaarigan dadka badan ku dhinteen uu noociisu ahaa Hoomeeb ama Bus, kayimid degmada Afgooyeen, kaasoo ay ku safrayeen dad shacab ah, balse dhacdadan ku qabsatay deegaanka lagu magacaabo Calamada.

Majirto tafaasiil dheeraad ah oo laga helayo shilkaasi, balse waxay qayb ka tahay dhacdooyin kala duwan oo ciidamada Midowga Africa inta badan ka gaystaan Koonfurta Somalia. Lama oga sababta Ciidanka AMISOM gaarigaasi u dar-dareen.

Dabayaaqadii sannadkii hore, ayay ahayd markii gaari noocaan oo kale ah AMISOM dab qabadsiisay isagoo kusii jeeday magaalada Muqdishu, waxaana ku dhintay dad shacab ah.

Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Somalia, ayaa falalkan oo kale isaga difaaca inay ka shakiyeen gawaarida iyo dadka ay waxyeelleeyaan iyadoo aysan jirin tallaabo ay qaado dowladda Somalia.

Tan iyo markii ay soo galeen AMISOM dalka Somalia, waxaa dhacay kiisas badan oo ka dhan ah bini-aadanimada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM