A Madoobe iyo Xaaf oo "xoojiyey" iska caabinta cadaadiska Villa Somalia

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hadalheynta ugu badan ee siyaasadda Soomaaliya marka laga soo tago xiisadda Kenya waa farogelinta ay dowlada federaalka ku hayso maamulada Jubbaland iyo Galmudug.

Madaxtooyada ayaa xusul-duub ugu jirta in ay bedasho hogaamiyeyaasha haatan ee dowlad goboleedyadaasi kuwaasi oo midkood oo ah Axmed Madoobe uu doorasho galayo bisha Agoosto ee sanadkan.

Axmed Ducaale kaasoo maamulkiisu kala qayb-san yahay ayaa ku adkeysanaya in uu xafiiska sii joogayo muddo afar sano ah wallow Villa Soomaaliya sheegeyso in ay doorasho dhaceyso bisha Julaayo.

Mr Xaaf oo bedelay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo shaqada ka tegay ayaa la doortay bishii May 2017-kii kahor Midowggii Ahlu Sunna iyo Galmudug oo hirgashay bishii Janaayo 2018-kii.

Tani ayaa keentay in la sameeyo Dastuur cusub oo dhigaya in Xaaf uu jagada kusii fadhin doono afarta sano ee soo aadan taasoo ka dhigan in uu ka dambeyn doono hogaanka dowlada federaalka ee haatan.

Madaxda dalka oo arrintaasi ka biyo diidan ayaa sarre u qaaday cadaadiska ay saarayaan Axmed Madoobe iyo Xaaf iyaga oo ka joojiyey qoondada deeqihii caalamka kana abuuray degaanadooda xasilooni daro.

Labada madaxweyne ayaa wacad ku maray in ay daafacan doonan kuraastooda xili madaxweynaha Jubbaland uu ka digay in gacma-gacmeynta dowlada ay isku rogto gacan ka hadal. [Halkaan ka akhriso]

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xaaf oo si degdeg ah ugu baaqaya maamuladda dalka ayaa lagu xusay in Galmudug ay "dowlada dhexe kala kulmeyso farogelintii ugu xumeyd". [Halkaan ka bogo warkani]

Xeel-dheereyaasha dhanka siyaasada ayaa ku macneeyay arrimahaan in Axmed Madoobe iyo Xaaf ay xoojiyeen iska caabinta ficilada dowladda taasoo dhankeeda sare u qaadey cadaadiska.

Cabdiraxman Cabdishakuur, siyaasi mucaarad ah, ayaa sheegay in hogaanka waddanka oo "guushooda doorashada 2020-ka ka dhex-arkay maamualdaasi ay dhaqaalo ay ku burburiyaan u raad-sadeen Qadar".

Madaxweyne Farmaajo intii uu ku sugnaa Sacuudiga wuxuu la kulmay madax ka socotay Dooxa iyadda oo maalin kadib uu ra'iisul wasaarihiisa Khayre uu u socdaalay waddankaasi, taasoo su'aalo dhalisay.

"Shacabka Soomaaliyeed iyo inta samaha jecel waxaan u soo jeedinayaa in ay ka hortegaan shirqoolkaasi," ayuu hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir u soo dhigay bartiisa Facebook todobaadkii hore.

Villa Soomaaliya ayaa horey loogu diiwaan-geliyay in ay si muuqato gacma-gacmeyn ugu sameysay doorashada Koonfur Galbeed taasoo ay kusoo saartay murashax daacad u ah wallow ay waxyeelo geysteen.

Balse waxay waji gabax kala kulantay coddeyntii Puntland ee uu kusoo baxay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni kaasi oo ahaa murashax madax banaan oo aaney cidna waddan.

Doorashadda Jubbaland oo qeyb ka ah arrimaha keenay xiisada Soomaaliya-Kenya ayaa la sheegayaa in ay u noqon doonto madaxda dowlada federaalka tijaab ka adag tan Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM