Axmed Madoobe: 'Annaa Iri' oo aan Shabaab ka diiday kama aqbalayo DF

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa waxa uu ka jawaabey eedeymo maamulkiisa dhowaanahaan uga imaanayey qaar kamida murashaxiinta doorashada fooda nagu soo haysa.

Eedeymahaasi oo uu Axmed Madoobe ku tilmaamay "waxba kama jiraan" ayaa ahaa in Guddiga doorashadda uu isaga u xag-linayaa iyo in uu afduubanayo nidaamka soo xulista Xildhibaanadda cusub.

"Murashaxiinta waxaa lagu yaqiinay in ay dhaliilaa maamulka, laakiin haddda iyagaa dhibaato abuuraya oo ay laamihii amniga ka cararayaan," ayuu ku yiri khudbadiisa munaasabadda Ciidul Fidriga.

Madaxtooyada ayaa ku eedeysan in ay maal-gelineyso olale daaqada looga saarayo Axmed Madoobe xili wasaarada arrimaha gudaha federaalka dhowaan soo saartay Habraac loo marayo doorashooyinka maamulada.

Hogaamiyaha maamulka Kismaayo ee xafiiska jooga tan iyo 2013-kii oo si adag ka fal-celiyey gacma-gacmeynta xukuumada iyo bayaanka wasaaradda ayaa wuxuu si weyn uga digay in ay ka dhalato gacan ka hadal.

Habraaca wasaaradda ayuu tibaaxay in loo baahnaa in la sameeyo kahor aas-aaskii dowlad goboleedyadda shanta ah ee waqti xaadirkaan waddanka ka jira.

"Marka hore waxaa la lahaa muddo kororsi buu doonayaa oo dacayaad aheyd, haddana waxay leeyihiin guddiga baa si wax ka yihin. Doorashada nidaamka saxda ah iyo sida uu qabo dastuurka Jubbaland ay ku dhaceysaa. Guddi ayaa jira oo iyaga iyo aniga u dhaxeeya. Cid farogelin kartaa ma jirto, sidey shalay u soo qab-sadeenn reer Jubbaland ayey maantana u qabsanayaa," ayuu xusay.

- Weerarka madaxda dowladda federaalka –

Mr Axmed Madoobe oo Kismaayo ka xoreeyay Al-Shabaab isaga oo garab ka helaya Kenya ayaa waxa uu mar kale doonayaa in dib loo doorto hasayeeshee waxaa ka biyo diidan madaxda dowlada oo murashax gaar ah wata.

"Waxaan isku deynay in aan isku keeno oo wax badan la isla qaato. Macal-asaf-Shadiid! Hogaanka dowladda ee maanta jira waxaa uu madow kaga jiraa waxa waddankan kasoo dhacay iyo waxa loosoo maray," ayuu shaaciyey Axmed Madoobe.

Isaga oo hadalkiisa sii wata oo ku dhaleeceeyay madaxda ugu sareysa dowladda federaalka "falal aan ku jirin" Axdiga Qaran ee qabyadda ayaa waxaa uu ka digay in la isku dayo awood-adeegsasho.

"Dowladda waxaan oran lahaa ha ilaaliso waxa heshiiska lagu yahay. Dastuurbaa lagu heshiiyey. Isagagaasi lagu kala aran-yahay. Madaxweynaha, Afhayeenka iyo Ra’iisul Wasaaraha isagey ku yimaadeen. Hadii kaasi la waayo Soomaaliya way is-garatay, nin-nin ka xoog badan ma jiro. Hadii dastuurka lagu dhaqmi waayo oo loo hogaan-sami waayo waxa dadka ka dhaxeeya, cidna-cid kale ma qasbi karto, ma xoog karto, Soomaaliduna dhaqankii xumaanta ayey ku noqoneysaa, taasina xal maaha, waa in Dastuurka lagu dhaqmo, loona hogaan-samo isagaasi," ayuu hoosta ka xariiqay, isaga oo ay caro badan ka muuqato.

- 'Qaacidada Annaa Iri ee Villa Soomaaliya ma aqbalayo' –

Madaxweynaha Jubbaland oo sii hadlaya ayaa wuxuu ku eedeeyay madaxda dowlada federaalka "federaal diidnimo iyo kali-talisnimo" taasi oo uu si cad daaha uga rogay in uusan marnaba aqbali doonin.

"Waxaan leeyahay madaxda dowladda dhexe, waddankaan boogog buu leeyahay ma bog-sanin, isku wadda buu u baahan yahay, sharci buu u baahan yahay, oo lagu ilaalin karaa ee laguma wada joogi karo 'Anna iri".. Qaacidada aan shalay Shabaabka ku diiday in maanta Villa Soomaaliya laga soo yeeriyo ma aqbalayo. Ha-qaateen sharciga ay meesha ku joogaan, hadey ku joogi waayaan sharciga, qof walba irid buu leeyahay isagaa loo baneynayaa oo maraya, aan ilaalino sharcigaan ku heshiinay ee yaalla," ayuu ku nuux-nuuxsaday.

Hogaamiyaha Jubbaland oo sii hadlaya ayaa waxaa uu "waxba kama jiraan iyo dhar la isku soo cabiray ku sifeeyay" dhamaan sharciyadda ay diyaarisay xukuumadda sida kan doorashooyinka iyo kheyraadka.

"Boogagta wali ay bisil-yihiin. Waxaana dooneynaa in la bogsiiyo. Kaliya ma ahan Kismaayo oo tusaale idin kugu fulin tahay meelaha kale oo idil way kala siman yihiin," ayuu raaciyey.

Amniga oo uu ka digay in la siyaasadeedyo lana abuuro xasilooni daro baahsan ayuu carabka ku adkeeyay in uusan marnaba indhaha ka fiirsan doonin, wallow uusan shaacin talaabada uu qaadayo.

"Murashaxiinta iyo ragga kale ee halkaan imaan doona wixii olale ah guddiga ayay u taalaan, waxa kalena waa laga gorgortami karaa, laakiin mas-aladda amniga gorgortan ma gelayso. Amniga waa dhaxalka aan ka tagayo. Dad wada nool oo walalo ah oo qof kasta sharciga la marsiiyo ayaan rabaa in aan ka tago. Kuwii shalay dhibta lagula gaarsiiyey ee dhabarkooda la saarnaa baa haatan socda, dowlada dhexe dhibaa naga soo gaarey, in aan ka gaabsanay oo heerkan ka keentay. Reer Jubbalanow nabad baa wax idin ah. Odayaasha iyaga ayay koreysaa mas'uuliyadda ugu badan isu imaada oo heshiiya," ayuu kusoo xiray hadalkiisa madaxweyne Axmed Madoobe.

Hadaladaan fariimaha culus xambaarsan ee kasoo yeeray hogaamiyaha Jubbaland ayaa imaanaya iyadda oo dowladda federaalka ah ay wado dedaaladii ugu dambeeyay ee ay ugu dhaqaalo uruur-saneyso in ay ka taqalusto Axmed Madoobe iyo Xaafka Galmudug.

MUUQAALKA AXMED MADOOBE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM