Askari ku dhintay iska-horimaad dhexmaray ciidanka Dowladda

Image

04 Octobar, 2015(GO)-Is-rasaasayn maanta dhexmartay ciidanka Dowladda Somalia ayaa sababtay dhimashada hal askari iyo dhaawaca mid kale.

Lama oga sababta keentay iska-horimaadka, balse labada ciidan ayaa kala ahaa kuwa sugayay amniga iyo ciidamo ilaalinayay shaqaalaha canshuurta uruuriya.

Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka suuqa Bakaaraha ee magalada Muqdishu, waxaana khilaafka labada ciidan keentay inay goobta yimaadaan ciidan saddexaad oo kala dhexgalay kuwaasi oo hakiyay rasaasta labada ciidan.

Dowladda Somalia weli kama hadlin arrinta ka dhacday Suuqa Bakaaraha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sweden oo gaarey is-afgarad dhanka Hantidhowrka ah

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:35AM

Xamsa oo maalgashiga dalka ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dagan Kenya

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo fursaha jira.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:20AM