AU: Ma farogelin karno kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ururka Midowga Afrika ayaa wuxuu si rasmi ah uga jawaabay soo jeedin kaga timid Kenya oo ku aadan in ay soo farogeliyan dacwadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya.

Dalabka Kenya ayaa ku saleysan in kiiska laga soo celiyo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka oo uu haatan horyaalo, laguna dhameeyo qaab wada hadal muranka ay gelisay qayb kamida biyaha Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee ururkaasi kaasi oo gebi ahaanba meesha looga saarey arrintaasi ayaa waxaa lagu caddeeyay kaalinta ay ka qaadan karaan kiiskan xasaanada leh.

"Kaliya waxaan dhinacyadda ka codsan karnaa dib u dhigid iyo in kiiska lagala soo laabto Maxkamadda Cadaaladda Aduunka," ayaa lagu yiri qoraalka oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online.

Xukuumadda Nairobi oo tan iyo bilowgii gal-dacwadeedkan ee bishii August ee 2014-kii ku taaheysay in wada xaajood lagu xaliyo qadiyaddan ayaa Muqdisho saartay cadaadis diblumaasiyadeed.

"Xaaladan, Midowga Afrika, ma lahan kaalin uu ku farogelin karo, waqtigii u ogolaanayay ee ku dhici lahayd waa laga soo gudbay," ayaa lagu yiri bayaanka oo dhinacyadda si wadajir ah loogu diray.

Iyadda oo ay Kenya ku guuldareystay isku dayadaasi ayay dhowaan ka codsatay ICJ in 12-bilood dib loo dhigo kiiska, balse waxaa lagu kordhiyay laba bil oo ka dhigan November, wallow ay Muqdisho qoonsatay.

"Codsiga waa loosoo gudbin karaa qeybta diiwaanka kahor inta uusan xirmin geedi u socodka, tusaale ahaan December 2018-kii," ayuu Golahu raaciyey, taasi oo ka dhigan dharbaaxo ku dhacday Kenya.

Dood sharciyeedkan ka dhaxeysay dowladahan deriska ah ayaa waxay ku saabsan tahay goob ku taala xuduudka badda ee labada dal, halkaasi oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka sida Shidaal iyo Gaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Kama Bixi Doono Muqdisho Ilaa Xal Kama Dambeys Ah Laga Gaaro Khilaafka Siyaasadeed

Hadalkaas ayaa imanaya xilli uu weli taagan yahay khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 04:22AM

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM