Axmed Madoobe oo Addis Ababa kula kulmay Abiy Axmed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ee kamid ah maamullada dalka, oo la kulma Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe oo ay wehliyaan xubno katirsan Xukuumadiisa ayaa Addis Ababa wadahadal kula yeeshay Abiy Axmed, iyadoo aan wali fahfaahin laga bixin waxyaabaha ay labada dhinac kawada hadleen.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa xaqiijisay Kulanka Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed, oo kusoo beegmaya xilli isbedel uu ka dhacay bishii April dalka Itoobiya oo kamid ah dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Jubbaland oo kamid ah maamul goboleedyada Soomaaliya ee xiriirka dhaw la leh dowladda Itoobiya, ayaa horey u waydiistay Addis Ababa inay ka gacan siiso la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo waqtiga xil-heyntiisa uu sii dhamaanayo, ayaa ku dagay Addis Ababa kadib markii uu safar qarsoodi ah oo uu ku tagey dalka Imaaraadka Todobaadkii tagey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku saabsan amniga Badda Cas ugu sii jeeda Sacuudiga

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 07:34AM