Baarlamaanka Jubaland oo kalsoonida siiyey madaxweyne ku xigeenada

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Golaha Wakiilada Jubaland ayaa Axada maanta ah ansixiyay Madaxweyne ku-xigeenada Jubbaland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad, Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne ku xigeenka 2-aad, Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud [Luga dheere] ayaa meelmarinta kadib waxaa lagu hor dhaariyey golaha.

Mudaneyaasha ayaa kula dardaarmay Aadan iyo Maxamuud in ay waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan.

Labadda ku xigeen oo madasha ka hadlay ayaa balanqaadey in ay ilaalin doonan shuruucda iyo Dastuurka dalka iyo maamulka.

Axmed Madoobe ayaa labadda mas'uul wuxuu dib u magacaabay 22-kii bishaan October kadib wareegto kasoo baxay xafiiskiisa.

Magacaabidooda ayaa timid xili 22-kii August dib loogu doortay Axmed Maxamed Islaam inuu Jubaland hogaamiyo afarta sano ee soo aadan kadib doorasho xor iyo xalaal ah oo Kismaayo ka qabsoontay.

Munaasabadda caleema saarka Axmed Madoobe oo 12-kii October lagu qabtay xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa waxaa ka qeybgalay wafuud caalami ah, mas'uuliyiin federaalka ka socda iyo siyaasiyiin.

Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa xukuumadda federaalka ah ku booriyay in ay ictiraafo guusha Axmed Madoobe maadaama ay uga soo horjeesatay "dano siyaasadeed oo gaar u ah Madaxtooyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM