Caalamka oo sheedda sare ka eegeya xiisada Soomaaliya-Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex-aloolsan Muqdisho iyo Nairobi ayaa mareysa heerkii ugu adkeyd xili aysan wali jirin dedaalo muuqado oo lagu qaboojinayo oo ka imaanaya beesha caalamka.

Dowladahaan ayaa waxay xubin ka yihiin Ururo caalami ah, kuwa heer qaaradeed iyo kuwa heer goboleed. Midkoodna si furan wali ma uusan uga hadlin marka laga reebo in ay jiraan isku deyo si hoose u socda.

Is-mariwaaga labada dowladood ee deriska ah ayaa wuxuu daaran yahay muran xuduud badeed si gaar ah goob la sheegay in ay hodan ku tahay noocyada kheyraadka sida Saliida iyo Gaaska naqaska.

Dowlada Federaalka ah ayaa sanadkii 2014-kii waxay dacwad ku saabsan kiiskan ay u gudbisay Maxkaamda Cadaaladda Aduunka taasoo ka dambeysay markii ay soo bateen sheegashooyinka iyo qiilasha Kenya.

Kenya ayaa tan iyo xiligaasi waxay dooneysaa in gal-dacwadeedkan dib looga soo celiyo maxkamadda isla markaana wadahadal lagu dhameeyo qadiyaddaan oo labada shacab saameyn xoogan ku yaalatay.

Xukuumadihii Soomaaliya soo maray tan iyo waqtigaasi oo ku cel-celiyay in aysan naqdiyeen dalabkaasi ayaa ku adkeystay in ka dhowr-sugayaan go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Dunida.

Go’aanka maxkamadda ayaa waxaa la filayaa in uu soo baxo ugu badnaa bisha September ee sanadkan 2019-ka ama sanadka dambe ee 2020-ka.

Kenya oo u muuqata in ay saluugi doonto go’aanka maxkamadda ayaa bishii hore soo cusbooneysiisay cadaadis diblumaasiyadeed oo ay Soomaaliya saareyso si ay dacwadda daaqada uga saarto.

Talaabooyinka ay Kenya qaadey ayaa kala ahaa; joojinta duulimaadka tooska Muqdisho-Nairobi, dib u bilaabitaanka dhismaha darbiga sohdinta, soo musaafurinta mas'uuliyiin Soomaaliyeed iyo beegsiga ganacsatada Soomaalida.

Intaasi waxaa wehlisa in Talaadadii ay warbaahinta dalkaasi warisay in dowladooda ay diyaarisay liis ka kooban 66 xubnood oo siyaasiyiin iyo mas'uuliyiin isugu jira kuwaasoo ay dalkeeda ka mamnuucday.

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo dhamaan ficiladaasi uga jawaabtay "walaac" ay muujisay ayaa ku nuux-nuux satay in aysana marnaba diyaar u aheyn in ay holac kusii shido kala-taag-taaga diblumaasiyadeed.

Xeel-dheereyaasha ayaa waxay su'aal gelinayaan sababta illaa iyo haatan aysan Ururada IGAD, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka aysan uga hadlin xiisadaan sii kululaaneyso iyo falalka derisnimada baalmarsan ee Kenya.

Warar ayaa sheegaya in isku dayo ay sameeyeen Ururadaasi ay guuldareysteen, markii hogaamiyeyaasha labada waddan ay ku adkeysteen in aysan meel uga dhaqaaqeyn mowqifkooda ku aadan dacwada hortaala ICJ.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa dhowaan sheegay in uu daneynayo dhexdhexaadinta labada dal, waxaana halkaasi tegay madaxweyne Farmaajo.

Xogta la helayo ayaa intaasi raacineysa in xiisada labada dal arrimaha ay salka ku hayso ay ku jirto doorashadda Jubbaland ee qabsoomeysa bisha Agoosto taasoo madaxda labada dal ku kala aragti duwan yihiin.

Uhuru Kenyatta ayaa tan iyo sanadkii 2013-kii waxa uu taageerayaa Axmed Madoobe balse Farmaajo waxa uu xusul-duub ugu jira in uu ku garaaco doorashada soo aadan isaga oo garab-siinaya murashaxiin.

Axmed Madoobe oo Talaadadii ka hadlay Kismaayo ayaa wuxuu ka digay in farogelinta xukuumada federaalka ay isku bedasho gacan ka hadal wuxuuna tibaaxay "in aysan cidna xoog wax uga qaadi karin".

Cabdiwahaab Cabdisamad oo ka faalooda arrimaha Carabta iyo Geeska Afrika ayaa labada dal wuxuu ku tartarsiiyey in aysan ka hor-dhicin go'aanka maxkamada ICJ.

GROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM