Beesha Caalamka oo taageertay go'aanadii DF iyo maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka oo soo dhaweysay go'aankii ay dowladda federaalka iyo maamulada ay guddiga farsamo ugu saareen nooca doorashadda soo aadan ayaa adkeysay baahida loo qabo heshiis wadar-ogol.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay saareen ayay saamileyda siyaasada Soomaaliya cod dheer ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan sidii waddanka uu baaqi ugu sii ahaan lahaa xasiloonida uu waqti xaadirkaan dhexda kaga jiro.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa ciwaan looga dhigay "war-saxaafadeed-ka wadajir ka ah ee bah-wadaagta Soomaaliya ee shirka Dhuusamareeb".

"Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka*waxay rajeynayaan in kulankii muhimka ahaa ee ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Xubnaha ka ah Federaalka (DXF) ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb uu yahay dib u billaabashadii aadka looga dhursugayay ee wadashaqeyn wax ku ool ah oo dhexmarta madaxda DFS iyo DXF," ayaa lagu yiri.

Waxay raaciyeen: "Saaxiibadu waxay soo dhoweynayaan go’aanka ay madaxdu ku gaartay inay magacaabaan guddi farsamo oo ka soo shaqeeya hababka/hanaanka doorasho ee doorashooyinka qaran ee 2020. Marka uu guddigu hore u gudagalo hawshiisa, waxaa lagama maarmaan noqon doonta in la helo heshiis ballaaran oo dhexmara saamilleyda Soomaaliyeed. Saaxiibadu waxay mar kale ku celinayaan inay lagama maarmaan tahay in geeddi socodka doorashadu uu dalka ka saaro hanaanka soo xulidda, kuna hago waddo lagu gaaro doorashooin toos ah, sida uu xeerinayo Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah. Sidaa darteed, saaxiibada beesha caalamku waxay ugu baaqayaan dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed inay si degdeg ah u sii wadaan dadaalladooda si loo gaaro ujeeddooyinkan, dalkana lagu hayo wadiiqo siyaasadeed oo xasilloon, oo ay ku jirto danta dadka Soomaaliyeed.

"Hanaanka doorashada ka sokow, saaxiibada beesha caalamku waxay sidoo kale madaxda Soomaaliyeed ku boorrinayaan inay ku heshiiyaan qorshe lagu hirgeliyo dhinacyada kale ee dib u habaynta dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Dib u eegidda Dastuurka, yagleelidda dimuqraadiyad xisbiyo badan leh iyo abuuridda Guddiga Adeegga Garsoorka oo shaqeeya, Guddiga Xuquuqul Insaanka, iyo Maxkamadda Dastuuriga. Waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqayaan baahida loo qabo in la xaqiijyo in murashaxiinta, xisbiyada, haweenka, dhallinyarada, beelaha laga tirada badan yahay iyo warbaahinta dalkoo dhan ay u hadli karaan si xor ah, gaar ahaan inta lagu gudajiro xilliga doorashada," ayaa lagu soo afjaray.

Dhinacyadda bayaanka saxiixay ayaa kala ah; Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Jabuuti, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Masar, Netherlands, Norway, Sweden, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.

Guddiga farsamo ee kasoo baaraan-degaya nooca doorashada soo aadan ayaa looga fadhiyaan in ay warbixin kusoo gudbiyaan laba todobaad, iyaddoo madaxda ku balantay in ay Dhuusaamreeb 3 isugu yimaadaan 15-ka August, 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM