Cabdi Xaashi oo ka qeybgalaya shir ka furmay Qatar [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

DOHA, Qatar - Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka qeybgalaya shirka 7aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuq maasuqa, kaasoo ka furmay maanta Qatar.

Kulanka oo ka socda Doha, waxaa isla shir-Guddoominaya Gudoomiyaha Golaha Shuurada Qatar, Gudoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka(IPU) iyo Gudoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuqa (GOPAC).

Wafdiga Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe ka baxay magaaladda Muqdisho, iyadoo xalay lagu soo dhaweeyay Doha oo uga qeybgalayo Shirka caalamiga oo mudo labo maalmood ah socon doona.

Xubo katirsan labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku wehlinaya Cabdi Xaashi ka qeybgalka Shirka Ururka Baarlamaannada Adduunka, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Aqalka Sare.

Dowladda Qatar ayaa xiriir dhaw la leh maamulka Madaxweyne Farmaajo, iyadoo dhawaan Muqdisho ka daah-furtay mashaariic dhowr ah oo kamid ah dhismaha jidadka isku xira caasimadda iyo degmooyinka Jowhar iyo Afgooye.

Qatar ayaa saaran mudo 2 sano ah go'doomin dhulka, badda iyo cirka ah, oo ay kusoo rogeen Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn, kadib markii ay xiriirka u jareen June 2017, iyagoo ku eedeeyay xukuumadda Doha inay argagaxisadda maal-geliso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Xannibaadaha dowladda Soomaaliya ayaa sababay Xiriirka Somaliland–Israel

Madaxweynihii hore ayaa xusay in inkasta oo uu si cad uga soo horjeedo xiriir kasta oo Somaliland la yeelato Israa’iil.

  • Soomaliya

    29-01-2026

  • 07:58AM

Reuters ayaa Sidatan u Qortay Xogta Dhan ee Kulamadii Madaxweyne Cirro ee Davos, Switzerland

Weriyayaal ayaa arkay Madaxweynaha Somaliland oo galay qolka ay ku sugnaayeen…

  • Soomaliya

    27-01-2026

  • 08:39PM