Cabdikariin Guuleed iyo Mahad Salaad oo ka Jawaabay Heshiiskii Ethiopia [Dhageyso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Guuleed, marna noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha Somalia iyo Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka jawaabey Go'aankii Gollaha Wasiirada.

Labada Mas'uul, oo la hadlay VOA, ayaa si isku mid ah u beeniyay inay saxiixeen heshiis is-dhaafsi maxaabiis ah oo sanadihii 2015 iyo 2016 ay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh la gashay Ethiopia.

"Go'aankii kasoo baxay Gollaha Wasiirada runtii anigu waxuu ila yahay go'aan aad u cajiib badan, oo aad loola yaabo, maxaa yeellay waxa meesha yaallay waxuu ahaa qalad dowladda gashay oo ah muwaadin Soomaaliyeed loo gacan geliyay cid kale, ee qaladkaasi ayay ahayd inay xalkiisa raadiyaan, laakiin waxaan u arkaa inay qalad kale oo kaasi ka weyn hadda gashay dowladda," ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in heshiiskii 2-dii May, 2016-kii saxiixay uu ahaa heshiis lagu nabadeynayay Beelaha Habargidir iyo Ogaadeen, oo ku dagaalamay Deegaano ku dhaw Xadka Ethiopia.

Guuleed ayaa xusay in magaca Galmudug uu ku saxiixay heshiiskii 2-dii May, ee 2016, ee uusan ahayn mid dowladda Somalia usoo galay, islamarkaana uu ahaa heshiis qabaa'il, oo colaadooda lagu xalinayay.

Heshiiskan ayuu tilmaamay inuu dhexmaray Galmudug iyo dowladda Deegaanka Soomaalida Ethiopia, islamarkaana wax shaqo ah ku lahayn Is-dhaafsi maxaabiis, oo u dhaxeeyo Somalia iyo Ethiopia.

 Wuxuu cadeeyay Cabdikariin Guuleed in dowladda Xasan Sheekh aysan wax heshiis noocan Is-dhaafsiga mabaaxiistaa la galin Ethiopia, islamarkaana Xukuumadda hadda jirta ka been sheegtay.

"Ma jirto Meel uu ugu qoran yahay haba yareetee Heshiiskii aan soo saxiixay in Somalia iyo Ethiopia is-dhaafsadaan dambiiyliyaal iyo maxaabiis in la isku celiyo," ayuu hadalkiisa raaciyay Guuleed.

Guuleed ayaa shaaciyay in shaqsi ahaan uusan u aqoonsanayn ONLF Urur Argagaxsio, balse uu u yaqaano Jabhad u dagaalamysa qadiyadeeda gaarka ah, sidoo kalena u garanaynin UBO.

Cabdikariin Guuleed "Nin daad qaadey, xumbo cuskay."

Dhanka kale, Mahad Maxamed Salaad, oo soo noqday Wasiirka Madaxtooyada Somalia, haddana katirsan Aqalka hoose ee Barlamanka Somalia ayaa isna beeniyay inuu qalinka ku duugay heshiis Is-dhaafsi maxaabiis ah.

Waxa uu sheegay in Hehiiskii uu saxiixay 7-dii June 2015-kii uu ahaa mid dhexmaray Labo gobol, balse uusan u dhaxeyn Labo dowladood, oo dhigaya inay iska kaashadaan la dagaalanka ONLF iyo Al shabaab.

"Heshiiska isku gudbinta Eedaysaniyaal ama dembiiliyaal waxaa dhigaya Dastuurka qodobadiisa 36aad iyo 37aad, madaxda qaranka ayaana saxiixa, ee ma ahan wax qof kaliya sameyn karo," ayuu yirii Mahad Salaad.

 Mahad Salaad ayaa tilmaamay in heshiiska uu ahaa mid lagu deminayay Colaad labo beeleed ku dhexmartay gobolka Galgaduud, kaasi oo ay gaareen Gobolka Galgaduud, oo isaga Xildhibaan u yahay iyo Is-maamulka Soomaalida Ethiopia.

Mahad Salaad iyo Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in Go'aankii Gollaha Wasiirada uu ahaa mid lagu marin-haabinayay shacabka, islamarkaana loogu qiil-dayay heshiisyadii ay saxiixeen dhiibista Qalbi Dhagax.

GAROWEONLINE

Related Articles

Haweeney caan ka ah baraha bulshada oo shil gaaray ugu geeriyootay dalka Kenya

Dad badan ayaa baraha bulshada uga falceliyay geerada naxdinta leh.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 12:08PM

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka heshay Wadamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya

Shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalkan ayaa si weyn looga soo horjeestay Itoobiya.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 07:44AM