Ciidamado xoog ku galay Guriga Senator Cabdi Qeybdiid

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo wata gaadiidka dagaalka ayaa xoog ku galay Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale [Cabdi Qeybdiid] ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegay in ciidamada ay baaritaan ku hayaan Guriga Cabdi Qeybdiid oo katirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo aan wali la ogeyn sababta ka dambaysa weerarka lagu qaadey Hoyga Senator-ka.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxa dowladda Soomaliya iyo Hay'adaha amniga oo ku aadan baaritaanka lagu samaynayo Guriga Cabdi Qeybdiid ee magaalada Muqdisho.

Tan ayaa kusoo beegmaysa xilli 17-kii bishan ay ciidamada NISA ay weerar ku qaadeen Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishkuur, kaasi oo lagu dilay 5 Askari oo ilaaladiisa kamid ahaa iyo qof shacab ah.

Fahfaahinta warka kala soco Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sweden oo gaarey is-afgarad dhanka Hantidhowrka ah

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:35AM

Xamsa oo maalgashiga dalka ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dagan Kenya

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo fursaha jira.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:20AM