Coronavirus: Qaylo-dhaan kasoo yeertay Qabri-qodayaasha Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hal goob oo kamid ah meelaha dadka lagu aaso [Xabaal] ee Muqdisho ayaa maalintii lagu aasaa 30 illaa iyo 40 ruux oo shacab ah xilli uu caasimadda ku faafay fayruska Corona.

Cali Maxamed, oo kamid ah qabri-qodayaasha magaala madaxda Soomaaliya, ayaa sidaas u sheegay telefishinka Shabelle.

Iyaddoo ay tani tahay walwal cusub oo soo kordhay, haddana cidna ma xaqiijin karto in ay dhamaan dadkaas u geeriyoodeen fayruska safmareenka ah maadaama aysan marin habraaca baarista.

"Waligey ma arkin intii aan ku guda jira shaqadaan," ayuu Cali yiri. "Dhamaan dadka aan aaseynay maalmihii lasoo dhaafay waxay ka sinaayeen in ay ku jireen darees cad oo meelaha ay ku tuuraan".

Dareeska uu tilmaamay Cali waa dharka loo xiro dadka uu soo ritay caabuqa. Sawirro laga soo qaadey Qabriga waxay muujinayaan dharkaas oo daadsan hareeraha, taas oo ah halis kale oo caafimaad.

"Maalintii waxaan diyaarinaa 30 illaa iyo 40 Qabri...mararka qaar waxaan ka hooyanaa iyaddoo tobban kaliya aan waxba lagu aasin, mararka qaarna maba ka hooyano oo aan wada aasnaa," ayuu xusay.

Culimada caafimaadka ayaa xaqiijiyey in shey kasta oo uu taabto bukaanka laga helay Covid-19 uu sido cudurka isla markaana uu gudbin karo. Sidaas darteeda, loo baahan yahay in laga feejignaadaado.

Sikastaba, waxay tani la macno tahay in dadka ku sugan Qabriga iyo dadka ka akdhow ee taabta dharkaas ay u nugul yihiin in ay qaadaan xanuunka ama ay goor sii horeysay uu ku dhacay una baahan yihiin baaris.

"Annaga markii la keeno waan ka dheeraanaa, dadkooda ayaa aasta," ayuu Cali ku daray. "Waxaa la yiraahdaa Corona ayaa dilay".

Wallow ay qirtay in uu Coronavirus uu si aayar ah ugu dhex-faafay bulshadda, xukuumadda ayaa lagu dhaliilay in aysan bulshadda la wadaagin macluumaadka saxda ah ee xaaladaha cudurka ee dalka.

"Dawladu waxay dayacday kaalinteedii, waxayna dadka ka qarisaa xaqiiqada tirada dadka dhimanaya iyo xaalada dhabta ee dalka ka jirta. Waa in aan dhamaanteen ka qayb qaadano wacyi gelinta," siyaasi Cabdiraxmaan Cabdirashuur Warsame ayaa yiri sidaas.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey u sadaalisay in hadii tirada dadka Muqdisho ama guud ahaan dalka ugu ku dhimanaya ay maalintii gaarto 70 lala xiriirin karo colka qarsoon ee cudurka dilaaga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM