Daacish oo Sarkaal katirsan NISA ku dishay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar toogasho ah, oo loo geystay wiil dhalinaro ahaa, kaasoo ka dhacay xili dambe oo shalay oo Isniin ahayd Suuqa Baraakaha ee Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay Daacish oo lagu baahiyay "Amaq News Agency" ayaa waxay ku sheegtay in ruuxa ay dishay uu ahaa sarkaal ka tirsan Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee [NISA].

Goobjoogaye ayaa kusoo waramaya in ninka dilka geystay uu ku hubaysanaa Bastoolad, islamarkaana dilka ka dib uu goobta ka baxsaday kahor inta aysan Ciidamada amaanka soo gaarin.

Sidaas si lamid ah, goobjoogayaashu waxay sheegayaa in Labo nin oo la socotay kan wax dilay ay muuqaal ka duubayeen marka uu ninkaan dilku geysanayay, kuwaaso iyagana baxsaday.

Dilka waxa uu ka dhacay meesha loo yaqaanaa Cabdala Shideeye, waxaana lagu iibiyaa Qalabka Korontada, inkastoo ay jiraan Goobo kale oo gancsi oo lagu iibiyo iyagana Dharka iyo Agabka Guryaha.

Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu mashquulka badan Soomaaliya, ayaa ka dhacayay mudooyinkii dambe dilalka noocaan ah, mana jiraan cid loosoo qabto. Todobaadkii tagey, Gabar u shaqeynaysay WHO ayaa lagu dilay isla Suuqan.

20-kii Bishii Maarso ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2017 ayey markii Daacish ay sheegatay dil inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye loogu geystay Sarkaal ay sheegtay inuu ka tirsanaa Nabad Sugida, kaasoo lagu magacaabi jiray Muxudiin Amad.

Weerarkaan ayaa kusoo aadayaa iyadoo Muqdisho mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen falal lidi ku ah amaanka, iyadoo dowladu isku deyayso inay xaqiijiso amaanka ka hor bisha Ramadaan oo fooda nagu soo haya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM