Daawo: Khudbadihii madaxda MG Soomaaliya ka jeediyeen Baydhabo iyo Madobe oo eedeeyey DF

Image

BAYDHABO- Kulankii maanta ka furmey xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed 'Baydhabo' ayaa furitaankiisa waxaa khudabado ka akhriyey Madaxweynayaasha maamulada Soomaaliya kuwaasoo ka hadlay faa'idada uu u leeyahay dowladnimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmad Madoobe oo khudabad dheer ka jeediyey furitaanka kulankaan ayaa dhaliilo u soo jeediyey dowlada Federaalka Soomaaliya isagoo ku eedeeyey ineysan ku mashuulsaneyn sidii dib loogu soo celin lahaa qaranimada dalka.

Axmad Madoobe oo ka hadlay arimha amniga iyo xaalada dalka ku jiro ayaa sheegey in dowlada Federaalka aysan u soo jeedin sidii looga xoreyn lahaa Soomaaliya Al-Shabaab.

"Xaalada amniga ee maanta na hortaal waa mid aad u adag, waxaa hadda laga hadlayaa transitional plan iyo ciidan lala wareego iyo ciidan Soomaaliyeed oo la dhiso shirar badana waad ka maqasheen erayada noocaas oo kale ah, laakiin ma jiraan waa su'aal meesha taal, ma jiraa ciidan Soomaaliyeed oo wadanka la wareega, AMSOM lagala wareego iyo in Shabaab dalka laga xoreeyo ma loo socdaa, annigu su'aashaas jawaabteeda waxaan oran karaa waa maya, waa warqad wax lagu qorey oo kaliya ee ma aha wax practical ee la fulinayo."

Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegey in dowlada ku mashquulsan tahaya oo kaliya sidii ay ugu guuleysan laheyd doorashada 2020.

Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa ku eedeeyey dowlada Soomaaliya ineysan ka warhayn halka ay ku bixiso saanada iyo hubka ay hesho waxayna mashuul ku tahay waxyaalo kale ayuu yiri.

Madaxa Jubaland ayaa sidoo kale ku eedeeyey dowlada Soomaaliya iney mashquul ku tahay baraha bulshada iyo sidii qof wax looga sheegi lahaa halka kuwo kale la dumanayo.

"Social media iyo Facebook hebel wax ha laga sheego, kan wax ha lagu bixiyo, kan ha laaluusho, kan ha ladumiyo, kan la rido-yo, kan ha la badalo, kan ha la keeno ayaa shaqadeeno oo dhan ay noqotey.' " Waxaa haddda laga fakarayaa Team-kii dowlada u adkaaddey, Madaxweyne, Prime Minister iyo Speaker,  waxay leeyihiin senate-ka ayaa xoogaa caqabad keeney odey madax adag ayaa jooga isagana aan bixino, kuwa dowlad goboleedyadana kana wuu socon, kana aan erino, goorma ayaan wax dhiseynaa marka, hadii fakarkayaga iyo caqlikayaga uu noqdey Facebook , wadanka halkee tagayaa, su'aasha meesha taal waa midaas." ayuu yiri Axmad Madoobe isagoo hadalkiisa sii wata.

Madaxweynaha Jubaland ayaa ku sheegey mas'uuliyiinta dowlada Soomaaliya iney yihiin kuwo gurri ku xiran oo ku mashquulsan Facebook.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeele oo ka hadlay kulankaas ayaa isagana xusey kulamadii dhexmarey dowlada Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada kuwasoo lagu heshiiyey in qodobo ay kamid yihiin amniga, khayraadka, dhaqaalaha iyo doorashada.

Maxamad Cabdi Waare oo khudabdiisa uu ka jeediyey furitaanka shirkaan aad ugu gaabsadey wax ka sheega dowlada Federaalka ah ayaa madaxda maamulada ku booriyey in dib loogu noqdo heshiisyaddii horey loo gaarey sidii loo fulin lahaa.

Madaxweynaha Puntland oo dhinaciisa hadal ka jeediyey furitaanka kulankaan ayaa ka hadlay muhiimada shirkaan leeyahay iyo sababta loo qabtey kuwasoo ku sheegey iney tahay in nidaamka federaalka la xoojiyo, in Dastuurka dalka, awood qaybsi iyo nidaamka dimoqraadiyada dalkaan laga rabo.

Gaas ayaa sheegey in shirka maamulada Soomaalida isugu yimaadeen uu yahay mid Dastuuri ah oo aysan aheyn arin khaldan.

" Shirkaan waxba kala kaxeyn mayo ee waxbuu isku soo dhoweynaa." ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa hadalka uu ka jeediyey kulankaan dhinaciisa ku sheegey in nidaamkii dowladnimo ee Soomaliya ku soo koobantay Facebook iyo fadhi ku dirir.

Madaxweynaha maamulka Puntland oo hadalkiisa ka dabacsanaa kuwii maalmihii hore uu ku durayey siyaasada dowlada Soomaaliya ayaa kulankaan ku dhawaaqey inuu furan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM