Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad suggida oo xilka laga qaaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa xilalkii ka qaadey Taliyaashii Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida, kadib markii ay ku fashilmeen amniga magaalada Muqdisho.

Cabdullaahi Maxamed Cali "Sanbaloolshe", Taliyihii NISA iyo Cabdixakiin Daahir Saacid, Taliyahii Booliska ayaa ku weeyay xilalkoodii waxqabad la'aan iyo inay wax ka qaban waayeen qaraxyada kusoo kordhayay Muqdisho mudooyinkii dambe.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa xaqiijiyay xilka qaadista Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad Sugida.

Labada Mas'uuli ayaa dhowr jeer xilalkan usoo qabtey dowladihii ugu dambeeyay, iyagoo horeyna sidan oo kale xilalkooda looga qaadey fashil amni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM

Axmed Madoobe: Lagama aqbali doono Xasan Sheekh wixii isaga hore u diiday

Shirkan waa mid lagu badbaadinayo dalka iyo dadkiisa. Maamul wanaag ma aha in hal qof uu awoodda ku dhegganaado.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 07:56AM