DF oo "abaabushay" jabhad carqalad gelisa doorashooyinka 2020-21

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Gedo "ka abaabushay" jabhad abuurta carqalado saameeya doorashooyinka 2020-21, sidda uu shaaciyey dowlad goboleedka Jubaland.

Maamulka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa arrintaan kaga dhawaajiyey war-saxaafadeed luuqad adag ku qoran oo ka kooban laba bog.

Qoraalkaas ayaa kasoo baxay shir deg-deg ah oo ay yeesheen madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo wasiirka amniga ismaamulka oo ka dhacay Beledxaawo.

Doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka soo aadan oo qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod waxaa shaki geliyey geedi u socodka "halka dhinac ah" oo ay waddaan hogaanka federaalka.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay Garowe Online ayaa walaac looga muujiyey faragelinta iyo ciidamadda Villa Soomaaliya ku daad gureysay gobolka Gedo, halkaasoo "xasarado ka abuurayaan".

Warqadda ayaa lagu beeniyey in Kenya ay faragelin amni iyo mid siyaasadeed ku hayso Jubaland. Madaxweyne Farmaajo ayaa warkaas ka dhawaajiyey.

Askarta oo "cabsi gelin iyo hanjabaad ku haya dhaqanka iyo saxaaafda" ayaa la tilmaamay in ay ku lug-yeesheen falal dhaliyey geerida askar Soomaaliyeed iyo dad kale oo shacab ah.

Saamileyda siyaasadda iyo Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay in ay soo farageliyaan talaabooyinka baalmarsan sharciga iyo dastuurka qabyadda ah oo ay Nabad iyo Nolol kawado gobolka Gedo.

Hadalka Jubaland ayaa wuxuu kusoo aadayaa xili xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya ay shalay shaaciyeen in qalab ay dowladda Qadar bixisay loo adeegsanayo qalalaasaha ay dowladdu ka wado gobolka.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM