Dowlada Soomaaliya oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan xiriirka UAE [Akhri]

Image

MUQDISHO- Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada arimaha dibada ayaa warsaxafadeed ku taariikhaysan 16 April,2018 soo saartey kaasoo ay ku sheegtey in xiriirka Soomaaliya iyo Imaraadka yahay mid soo jireen ah islamarkaana shucuubta labada dal uu ka dhexeeyso xiriir ganacsi, dhaqan iyo dhaqaale.

Warsaxafadeedkaan ayaa lagu sheegey dalka Soomaliya ay ka socdaan isbadalo dhaqaale iyo amni dowlada Imaradakana ay muhiim tahay iney ka qayb qaadato sidii loo gaari lahaa himilooyinkaas.

“ Iyadoo lama taabtaan tahay midnimada Soomaaliya hadana Dowlada Federaalka waxay soo dhoweyneysaa tageerada Isu-taga Imaraadka Carabta siiso dhinaca Sugida amniga iyo la dagaalanka kooxaha Xagjirka ah.” ayaa lagu sheegey warsaxafadeedkaan.

Dowkada Federaalka Soomaaliya ayaa dhinaca kale qoraalkaan ku sheegtey in ay soo dhoweyneyso maalgalin kasta iyadoo la marayo shuruucda dalka u dagsan.

Qoraalkaan ayaa dhinaca kale Dowlada Soomaaliya kaga hadashay lacag dhowaan wadanka Imaaradaka lagaga qabsadey madaarka Adan Caadde iyadoo sheegtey iney garowshiiyo ka bixisay in lacagtaas u socotey ciidamada dalka. Dowlada ayaa u muuqata in lacagtaan sii deyn doonto taas oo iminka lagu hayo bangiga dhexe.

Hadalka Dowlada Soomaaliya ku xaqiijineyso xiriirka Imaraadka ayaa soo baxay maalin kadib markii wadanka Isu-taga Imaraadka Carabta wakaaladiisa Wararka [WAM] qoraal lagu daabacay ku sheegtey iney joojisey tageeradii dhaqaale iyo tababbarkii ay siin jirtey ciidamo gaaraya 2407 askari kuwasoo ka howlgala magaalada Muqdisho.

Dowlada Imaaraadka ayaa sidoo kale ku sheegtey qoraalkaan in sii wadeyso tageerada iyo tababarka ay siiso ciidamada Badda Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo maalintii shaley caleemo Saar Issim dartiis uga baaqdey xerada ciidamada Badda ee Boosaaso ayaa saaka la filayaa jnuu tago halkaas isagoo xaqiijin doona sida maamulkiisa iyo shacabka mandaqadaan ugu mahad celinayaan dowlada Imaraadka gacan ka gaysatey dhismaha ciidankaan xilli baahi badan loo qabey.

Hoos Ka akhri Warsaxafadeed dowlada Federaalka oo ku qoran afka English-ka

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Muxuu Guudlaawe xilka uga qaadey Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan?

Xilka qaadista ayaa timid xilli uu jiray muran xooggan oo ka dhashay canshuuraha laga qaado garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

  • Soomaliya

    20-10-2025

  • 11:28AM

Gudiga lagu muransan yahay oo shaaciyay dadka isku diiwaangeliyay doorashadda Muqdisho

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah mucaaradka iyo laba ka mid ah dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    20-10-2025

  • 08:23AM