Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarka huteel SYL

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in ku dhowaad 100 ruux laga soo badbaadiyey dhismaha huteelka SYL ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Ismaaciil Mukhtaar Cumar, afhayeenka xukuumadda, oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa fahfaahin kooban bixiyey.

"Ciidamada Ammaanka ayaa gudaha Hotel SYL kasoo badbaadiyay ku dhawaad 100 qof oo isugu jira mas'uuliyiin dowladda ka tirsan iyo dad Shacab ah oo ku nasanayay hotelka," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Wali xaqiijin ayaa Amniga Goobta ku socota, waxaana gudaha hotelka ku sugan saraakiil ciidan oo gurmad u tagay".

Dhinaca kale, taliska booliska oo war kasoo saarey weerarka ayaa uga digay dadweynaha iyo saxafiyiinta in xiriir lala sameeyo dadka la aaminsan yahay in ay ku go'doosan yihiin gudaha huteelka.

"Waxaan ka digeynaa in xiriir telefoon lala sameeyo dadka shacabka ah ee lagu tuhunsan yahay in ay gudaha ku jiraan inta hawlgalka laga soo afjarayo," ayay tiri Sakiye Xuseen, taliye ku xigeenka bileyska.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu qaadey huteelkan ammaankiisa aad loo adkeeyo kuna dhow Madaxtooyadda Soomaaliya.

Sidda uu Garowe Online u sheegay Xildhibaan ka gaabsaday magaciisa, dableyda oo goobta ku tegay gaari boolis ah ayaa watay dareeska bileyska. Laba kamida kooxda weerarka fulisay ayaa la dilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM