Dowladda Soomaaliya oo saamiga ugu badan ku leh qeybsiga Khayraadka

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada Soomaaliya, ayaa heshiis ku saabsan sida ay u qeybsanayaan Khayraadka dalka ku saxiixday magalaada Baydhabo intii uu socday Shirkii Gollaha Amniga Qaranka.

Heshiiskan oo ah mid siyaasadeed, oo aan lagu soo darin qodobada dastuuriga ee ku qornaa War-murtiyeedka ayaa waxaa lagu cadeeyay saamiga maamul iyo degmo kasta ku yeelan doonto Khayraadka Shidaal ku jira dalka.

Shaxda Wadaagga Dakhliga Shidaalka:

Dowladda Federaalka Soomaaliya: 55%

Dowlad Goboleedka Shidaalka laga soo saarayo: 25%

Dowlad Goboleedka aan Shidaalka lahayn: 10%

Degmada Shidaalka laga soo saarayo: 10%

Wararka ayaa sheegaya in Heshiiskan ayaa gadaal ka riixayaan Shirkado shisheeye, oo horey dowladda kula jiray heshiis ku saabsan Shidaal-baarista kuwaasi oo ay ku lug-leeyihiin qaar kamid ah madaxda sare ee dalka.

Qoraalka Heshiiska Wadaagga Dhakhliga Shidaalka iyo Macdanta:

Heshiiska madaxda maamulada Soomaaliya iyo dowlada goboleedyada saxiixeen ayaa u qoraa sidatan:

 

Qodobka 1aad: Lahaanshaha Kheyraadka Dabiiciga Ah

Kheyraadka macdanta iyo shidaalka ee ku jira dalka, bad iyo bariba waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed, waxaana wakiil uga ah dowladda federaalka ah iyo dowlahada xubnaha ah iyo kuwa ka noqon-doona.

Qodobka 2aad: Maamulka Kheyraadka

Maamulka Kheyraadka shidaalka iyo macdanta:  waxaa si wadajir ah u maamulaya dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ama ka mid noqon-doona, waxaana la dhisi-doonna hey’ado ka shaqeyn-doona arrimaha shidaalka iyo macdanta ay ka mid yihiin.

Golaha Kheyraadka Dalka: Golaha Kheyraadka Dalka waa golaha ugu sareeya ee lagu lafa guro ee u baahan in laga heshiiyo, loona noqdo wixii lagu xallin waayo gobolayaasha maamul ee kale, waxaa uuna ka kooban yahay madaxda fulinta ee heer federaal iyo heer maamul goboleed.

Wasaaradda Betroolka iyo Macdanka Federaalka Ah: Diyaarinta hindise sharciyeedka, dejinta siyaasadda, qorshaha iyo saxiixa shatiyada ee la xiriira arrimaha macdanta iyo shidaalka ee heer federaal waxaa mas’uul ka ah wasaaradda macdanta iyo shidaalka iyo wadatashi kala sameyneysa hey’adaha shidaalka ee dowlad goboleedyada.

Wasaaradaha/Hey’adaha Shidaalka ee Dowlad Goboleedyada: Diyaarinta hindise sharciyeedka, siyaasadda iyo qorsheynta la xiriira Batroolka iyo  macdanta ee heerkooda si waafaqsan shuruucda iyo siyaasadda guud ee dalka.

Hey’adda Batroolka Soomaaliya:  waa mid loo dhan yahay oo lagu dhisi-doonno sharci goonni ah, waxaa ay ka shaqeyn-doontaa wada hadallada heshiisyada iyo diyaarinta shatiyada, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyada Batroolka, Maamulka hey’adda waxaa uu ka kooban yahay 2 xubnood oo matalada dowladda federaalka ah iyo min hal xubin oo matala maamul goboleedyada, xubnaha hey’adda ka mid noqonaya waxaa ay noqon-doonaan xubno aqoon, xirfad, karti iyo hufnaan lagu soo xulay.

Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed: Waxaa la aasaasi-doonnaa shirkad ganacsi oo ay wada yeelan-doonaan dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ah ama ka mid noqon-doona taas oo yeelaneysa xermooyin(blocks) shidaalka dalka iyaga oo kaligood ah ama la wadaagaya shirkadaha caalamiga ah ee mas’uulka ka ah sahminta(upper stream), dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta(mid-stream) iyo suuq-geynta wax-soo saarka shidaalka, maamulka shirkadda waxaa uu ka koobaanayaa 2 xubnood oo matalaya dowladda federaalka ah, min hal xubin oo matalata maamul goboleedyada, raasmaalka iyo wadaagga saamiga waxaa lagu faafin-doonaa sharci gaar ah.

Shirkadaha Shidaalka Dowlad Goboleedyada: Sidoo kale, dowlad goboleedyadu waxaa ay yeelan-doonaan shirkado ganacsi ee ka shaqeeya danahooda ganacsi, arrimaha shidaalka, waxay dowlad goboleedyadu u matalaan saamiga ay ku leeyihiin shirkadda shidaalka Soomaaliyeed, shaqadeeduna waxaa ay noqoneysaa dhisidda iyo maamulka kaabayaasha shidaalka ee heer maamul goboleed(down-steam) iyo suuq-geynta cadadka shidaalka ah ee wadanka gudahiisa lagu isticmaali karo ama isaga oo sifeysan dibadda loo iib-geyn karo.

Qeybta 3aad: Wadaagga Dakhliga

Dakhliga ka soo baxa macdanta iyo shidaalka waa wadaag, waxaa si isku dheelli-tirsan loogu qeybinayaa dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo kuwa ka noqon-doona

Maamulka Maaliyadda Ee Dakhliga Shidaalka iyo Macdanta: Keydinta iyo maamulka dakhliga ka soo xarooda shidaalka iyo macdanta waxaa lagu keydin-doonaa xisaab gaar ah oo laga furi-doono bangiga dhexe ee Soomaaliya, waxaa xisaabta lacag looga saari karaa go’aan golaha kheyraadka dalka iyadoo la raacayo hannaanka maamulka maaliyadda ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Magaalooyinka Soomaaliya ee Turkiga kasoo saarayo shidaalka

Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso heshiis cusub oo shidaal iyo gaas ah la saxiixatay Turkiga.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 05:44AM

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM