Dowladda Soomaaliya oo shaacisay kiisas horleh oo ah fayruska Corona

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 58 kiisas cusub oo ah safmarka dilaaga ah ee Coronavirus.

Xaaladaha cusub oo lagu xaqiijiyey warbixinta maalinlaha ee wasaaradda ayaa laga kala helay; Benadir: 32, Hirshabelle: 11,Somaliland: 8,Galmudug: 3, Puntland: 2, Jubbaland: 1 iyo Koonfur Galbeed oo hal kiis ah.

Sidda lag soo xigtay warbixinta, bukaanadda cusub oo aanan gelin wax safar dibadd ayaa 49 waxay yihiin Rag, 9-na waa dumar.

Kiisaska cusub ee soo kordhay saacadihii lasoo dhaafay kuna badan Muqdisho ayaa wadarta guud waxay ka dhigayaan 2,204.

Dhanka kale, warbixinta ayaa waxaa lagu caddeeyay in saacadihii lasoo dhaafay aysan jirin geeri horleh, balse waxaa bogsatay 13 bukaan.

Tiradda guud ee bogsashadda ayaa noqoneysa 418, halka geerida ay wali ku taagan tahay 79, maadaama aysan jirin dhimasho cusub.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa hoso u dhac laga dareemayay dhanka dadka uu galaafanayo caabuqa ee gudaha Soomaaliya, balse khuburadda waxay aaminsan yihiin in aan loo fasiran in cudurka uu kasii baxayo wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM