Dowladda Soomaaliya oo soo warisay kiisas horleh oo ah Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 57 kiisas cusub oo ah safmareenka Coronavirus.

Balse, ma aysan soo bandhigin tiradda dadka laga baarey ee la tuhmay. Lama ogga sababta dhabta ah ee loo qariyey arrintaas oo tuhun abuurtay.

Xaaladaha cusub ayaa laga kala helay gobolka Benaadir oo ah 34, maamulka Somaliland oo ah 18 iyo dowlad goboleedka Jubbaland oo ah 5; badi shaqsiyaadkan gudaha waa la qaadsiiyey.

Sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ee wasaaradda oo uu arkay Garowe Online, bukaanadda cusub 30 kamid ah waa Lab, Dhedigana waa 27 qof.

Xilli aysan jirin dhimasho cusub oo la diiwaan-geliyey saacadihii lasoo dhaafay, hase ahaatee, nasiib wanaag waxaa bogsatay 26 bukaan.

Tirada guud ee kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya ayaa noqotay 2,146 kadib markii lagu daray xaaladaha cusub, bogsashada guud waa 406, geerida waxay ku taagan tahay 79 maadaama aysan jirin mid cusub.

Xukuumadda ayaa joojisay shirka jaraa'id ee galab walba ay uga warbixin jirtay xaaladaha guud ee xanuunkaan dilaaga ah. Illaa iyo haatan, ma jirto sharaxaad warbaahinta laga siiyey sababta keentay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo la sheegay in la dhex-marsiiyo hub loo gudbiyo Xuutiyiinta Yemen

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib shir heer sare ah oo Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

  • Soomaliya

    11-12-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Danab oo Shacab ku dilay tuulo u dhow Afgooye

Odayaasha iyo dadka ka badbaaday weerarka ayaa dowladda ku eedeeyay in aysan dib u celin gurmad caafimaad oo ku filan.

  • Soomaliya

    11-12-2025

  • 11:47AM