Farmaajo oo agaasimihiisa madaxtooyada u magacaabey Fahad Yasiin [AKHRI]

Image

MUQDISHU- Wareegto kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia ayaa agaasimaha madaxtooyada waxaa loogu magacaabey Fahad Yasiin.

Wareegtada oo ku taariikhsneyd 31/05/2017 ayaa madaxweyne Farmaajo ku sheegey in Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Jamuuriyada Federaalka Somalia loo magacaabey Mudane Fahad Yaaaiin oo uu sheegey Inuu ku bartey karti iyo hufnaan.

Madaxweynaha Somalia ayaa u mahadceliyey Agaasimhii hore ee madaxtooyada Somalia Abuukar Daahir Cismaan "Baalle" oo uu sheegey Inuu waqti badan galiyey u adeegista dalkiisa iyo dadkiisa.

Fahad Yasiin oo kaalin wayn ka qaatey ololihii Doorashada Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaca kale xiriir dhow la leh wadanka Qatar.

Mr. Yasiin ayaa kamid ahaa xubnihii dhisey madaxweynihii Doorashada looga guuleyatey Xasan Shiikh balse mar dambe siyaasada ku dirirey kadib markii khilaaf soo kala dhexgaley isaga iyo Farax Cabdulqaadir oo ay wada-dhisteen dowladii majaraha ay u hayeen Damul-jadiid.

Halkaan ka akhri wareegtada Madaxweyne Farmaajo ku magacaabey Fahad Yasiin.

NB: Warsidaha GO ayaa bogiisa twitter habeenkii xalay horey ugu shaaciyey in magacaabistaan la filayo in Madaxweyne Farmaajo sameeyo malamaha soo socda.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Diyaaradda Somali Airlines oo dib u howlgelin doonta dhamaadka sanadkan 33 sano kadib

Wasiir Nuux ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay qorshayaal ballaaran oo lagu horumarinayo Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    27-10-2025

  • 07:21AM

Soomaaliya iyo Itoobiya oo wadahadallo yeeshay si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

  • Soomaliya

    27-10-2025

  • 06:33AM